Qardho(RBC Radio) Musharax Shire Xaaji Faarax ayaa maanta soo gaaray magaalada Qardho,waxaana loo sameeyey soo dhweyn ay dadka ugu hortageen meel ka baxsan magaalada Qardho,waxaana ka qeybgalay qeybaha Bulshda kunool magaalada Qardho.
Dadweyne u badan ardayda wax ka barata magaalada Qardho ayaa qeyb ka ahaa soo dhweynta oo saakay lagu qaaday gawaarida waaraadyada,waxaana loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan soo dhaweynta, iyo Haweenka oo loo xiray Dharka Hidaha iyo dhaqanka
Musharax Markii uu soo gaaray magaalada Qardho ayaa waxa uu la hadalay dadweynihii ka qeybgalay soo dhaweyntiisa waxa uuna sheegay in uu Qardho yimid 1994 50 maalmoodna oo ku suganaa,waxa uuna u mahadceliyey dhammaan dadweynihii ka soo qeybgalay soo dhaweyntiisa.
Musharax Shire ayaa sheegay In magaalada Qardho ay qiimo weyn ku leedahay dalka somaliyaa,Gobonimadoonkii Somaliya iyo Dhismihii Puntland,waxa uu sheegay hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Puntland in uu ku hogaamindoono,Sinaan iyo Caddalad,waxa uu tilmaamay in uu ilaalindoono maalka Umadda Puntland una sameyndoono la xisaabtan rasmi ah.
Musharax Shire ayaa sidoo kale ka hadalay in uu dayactir ku sameyndoono Goobaha waxbarashda,waxna ka qabandoono arimaha Caafimaadka si gaar ah xil isaga saaro Hooyada iyo dhalaanka.
Musharax Shire Xaaji Faarax ayaa ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland,waxana lagu wadaa in uu kulamo la yeesho waxgaradka ku nool magaalada Qardho kadibna u gudbo magaalada Garoowe.
___________________
RBC Radio