Nairobi[RBC Radio]Waxaa sii kordheysa khasaaraha dhaawaca uu geestay qaraxii goor sii horreysay ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Ilaa hadda waxaa la sheegaya ugu yaraan afar qof inay ku dhimatay, 25 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.
Qaraxaan ayaa lala eegtay gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay meel u dhow saldhigga booliska ee Pangani ee magaalada Nairobi.
Waxaa la sheegay in gaariga qarxay inuu siday rakaab ka yimid bartamaha magaalada, wuxuuna ku sii jeedayay xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii , waxana la sheegay in qaraxa looga shaki qabo inuu yimid ka dib markii ay qarxeen waxyaabaha qarxa oo saarnaa gaariga.
War ka soo baxay Booliska Nairobi ayaa lugu xaqiijiyey in 20 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla magaalada.
Benson Kibue oo ah madaxa booliska Nairobi ayaa sheegay in qaraxa uu burburiyay gaariga iyo shan gaari oo kale oo hareeraha ka marayay.
Ilaa xilligaan lama oga cidda ka dambeysa qaraxa, booliskuna waxay sheegeen inay baritaan sameynayaan.
______
RBC Radio
Xafiiska Nairobi