Garoowe (RBC RADIO) Hay’adda NCA & Wasaaradda haweenka dowladda Puntland ayaa soo gunaanuday 16-ka bari ee ku aadan joojinta shaqaaqooyinka haweenka ay la kulmaan iyo waliba ka qayb galinta haweenka dhinacyadda siyaasadda.
Kulamada ay NCA iyo wasaaradda haweenku qabteen ayaa waxaa kasoo qayb gay bulshada qaybheeda kala duwan waxana laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo diirradda lagu saarayay sidii bulshada inteeda kale ay uga qayb gali lahayd joojinta tacadiyada haweenka sida gaarka ah loogu gaysto.
Wasaradda Haweenka Puntland iyo NCA ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii looga hortegi lahaa tacadiyada lagula kaco dumarka.
Xuskan ayaa waxay ku beegan tahay xuska -20 guuraaki Shirki Caalamiga ahaa ee Xuquuqal Insaanka oo ka dhacay Vienna,waxana looga hadlaa xaquuqda uu qofku lee yahay iyo sida loo ilaalin karo.
Dhinaca kele NCA iyo wasaaradda haweenka ayaa dood ku saabsan ka hortega tacadiyada haweenka liddiga ku ah ku qabtay Idacaadada Radio Garoowe waxaana dadkii ka qayb galay ay soo jeediyeen afkaar iyo talooyin looga hortegayo tacdiyada haweenka.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.