Gaalkacyo[RBC Radio]R/wasaaraha dhawaan lamagacaabay ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed,ayaa xaqiijiyey inuu sida ugu dhaqsiyaa badan u imaan doonno Puntland.
…”"”Puntland waan ku xisaabtamaya,waana imaan doonna,waxana doonaya inan wadda shaqeeno,oo an wadda tasho…”"‘ayuu yiri C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Sidoo kale R/wasaaraha sugaya inay meel mariyaan Baarlamaanka Soomaaliyaa ayaa sheegay inuu doonnayo tallo wadag uu la yeesho maamulka iyo shacabka Puntland.
…”"‘Puntland waxaan idin sheegaya inay tahay saldhigeygi,waxana doonaya inan waqti la soo qaato shacabka iyo maamulka,waxana rajeynaya inan isku soo dhawaano..”"‘ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan lamagacaabay.
Hadalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed rasul wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaa uu ku soo aadaya xilli khilaaf xooggan uu ka dhex jiro dowladda faderaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Puntland.
Si kastab ha noqtee hadalkaan ayuu ka sheegay Rasul wasaaraha kulan lugu soo dhaweenayey magacaabistisa oo Gaalkacyo maanta ka dhacay,waxana uu u mahad-celiyey shacabka Gaalkacyo ee taageeray.
Hoos ka dhageyso hadalka R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya
_______
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo