Garoowe (RBC RADIO) 16ka beri ee ku astaysan Joojinta Xadgudubka Haweenka iyo Caruurta oo beryahanba ka socday Punland ayna hormuud ka ahayd wasaarada haweenka oo Kaashanaysa Hay’ada UNFPA ayaa maanta Xaflad gunaanad ah loo qabtay waxayna ka dhacday Xarunta Cilmi Baarista ee ( PDRC) iyadoo ay kasoo qayb galeen Wasiiro iyo Marti sharaf aad u farabadan.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka Puntland Caasha Maxamuud ayaa sheegtay in Wasaarada haweenka xiliyadi ugu dambeeyey ay ku mashquul sanayd Barnaamijo ku aadan ka hortaga xadgudubka loo gaysto haweenka iyo Caruurta ayna qabanayeen barnaamijo wacyigelineed oo baraarujin ay la xiriirto si ay u yareeyaan arimaha Tacadiga haweenka iyo ku xadgudbida Caruurta oo Soomaaliya la sheego in si xawli ah ay uga socoto siiba Koonfurta Dalka, waxayna sheegtay in arimahaasi ay guul wacan ka gaareen dhanka Puntland.
Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan ayaa dhankeeda xustay in ay aad uga deyrinayso haweenka lagu kufsado laguna Jirdilo Goobaha Miyiga ah iyo Xarumaha barakacayaasha waxayna sheegtay in arintaasi ay isha ku hayaan ayna gali doonaan baadi goob dheer oo ay Arintaasi uga hortagayaan, Haweenka ayeey ku tilmaantay in ay yihiin tiirka Bulshada hadii la jabshana uu qaranka dhan burburayo sida ay Wasiiradu tiri.
Waxay sheegtay in Kaalinta koobaad ay ugu jirto Wasaaradeeda la dagaalanka Tacadiga Haweenka ka dhanka ah oo ay dhan siyaasadaeed dhan guri iyo dhan shaqoba la kulmaan ayna wax yaabaha qaar Qatar u galshaan naftooda iyadoo sheegtay in arimahaasi ay ka damqanayaan Ragana ugu baaqayaan in ay dhawraan xuquuqda Haweenka iyo Caruurta oo lama huraan ah.
Arintan ayaa Imaaneysa iyadoo maanta Caalamka si wayn looga xusay Maalinta ka horataga Shaqaaqooyinka ka dhanka ah Dumarka Caruurta iyo Xuquul insaankaba kaasi oo inta badan dunida ka dhacay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.