Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudiga Gurmadka Puntland oo Deeq laga soo gaarsiiyay Kenya.

$
0
0

 

v

Garoowe (RBC RADIO) Sida ay saxaafada usoo bandhigeen Culimada Puntland waxaa Dalka Kenya laga soo diray Lacag Dhan 55,000 oo Dollar waxayna lacagtan ugu talagaleen Walaahala ku dhibaatoobay dabaylihi ka dhacay Gobolada Puntland iyadoona Deeqdan uu soo qaaday Sh,Maxamed Sh, Xasan Abshir oo iminka Garoowe ku sugan wuxuuna mar uu Saxaafada la hadlayay uu sheegay in uu tagi doono goobihi ay dhibaatadu ka dhacday dhibaatadana la qaybsan doono dadka dhiban wuxuu kaloo cadeeyey in lacagtan laga soo aruuriyay soomalida kenya ku sugan qaarkood.

 

Sheekh  maxamuud Xaaji yuusuf , Sheekh Axmed Daad iyo Sheekh Axmed Daahir oo iyagana hadlay waxay sheegeen in ay Mahad gaar ah u celinayaan dadkii soo aruuriyay Lacagtaan oo rag uu ka mid yahay sheekh uMal ay soo aruuriyeen waxayan tilmaameen in ay tahay gurmadka loogu talagalay in dib u dajinta iyo dib u habaynta loogu sameeyo dadka dhibaateysan ee Gobolada Puntland ku sugan waxayna alle uga baryeen dadkii soo dhiibay in uu ka ajar siiyo.

h

sheekh Maxamuud Xaaji yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in Ururka (AlMinhaaj) uu diyaariyay Xoolo gaaraya shan iyo toban kun oo Neef kaasi oo Dib u dajin loogu samaynayo in ka badan lix boqol oo Qoys kuwaasi oo loo qaybin doono Xoolahaas waxayna bilaaban doontaa buu yiri Arintaasi todobaadkan gudihiisa waxayna taasi kusoo aadaysaa iyadoo hada laga gudbay marxaladii gurmadka loona gudbay tii dib u dajinta oo hada bilaabanaysa.

 

Hoos ka akhriso dadkale oo Lacag soo dhiibay oo Magacyadooda  ay ku xusan yihiin.

بسم الله الرحمن الرحيم

 

1-Jaaliyadda Somaliyeed ee Kenya $55,000.waxaana keenay Sh.Maxamed Sh. Xasan Ashkir.
2- Jaaliyadda Somaliyed ee Belgium –Brussels  $7,000 .
3- C/laahi Muuse Habane  J/Denmark $ 4,880
4-Shacabka iyo Culimada Reer L/caadood $ 3,306.
5-Haaruun Mursal Maxamad USA –Minneapolis  $ 2,220.
6 –Suldan Siciid Maxamad Garaase  $1,800
7- C/xakim Xasan Cabdulle Sh.Baryare  $ 900.
8- Mubaarak Maxamuud Cawad USA $300.
9- Zeynab Xasan Ciiro  $ 500 .
10 – USA –Minisota  50,000. waxaana soo ururiyey Dad ay ka mid yihiin  :
- Luul Xaaji Lare – Muxubo Muuse Ciise – Husserin Sh.Cali.
waxaana ka mid ah Lacagtaas $5,755 oo laga soo ururiyey Moolka 24 ayna soo ururiyeen Gabdho ay ka mid yihiin : Sahro Faarax dheere iyo Maryan Xasan Taraab .
11- Finland  $ 27, 897 . waxaana soo kala diray Jaaliyada Somalyeed ee Helsinki iyo Sh.Aadan Sh.Yuusuf iyo Caaqil Mahamud Cabdul.
12- Daa’uud Axmad Guushaa Brisbene AUstr. $5,130.
13- Cabdi Cusmaan Maxamuud  $1,400 .
14- Ayaan Xuseen Nuur  $300 .
15- Safiyo Cabdi Maxamad Dubai  $ 300.
16- C/laahi Maxamad Nuur  1400.
17- Khadiijo Suudi Maxamad $837.
18- Xaliimo Cali Xasan London $850 .
19 –Cali Faarax Xirsi Switzerland  $1650
20 Cismaan Khalid Yusuf  Shirwac Boqor  J/Somalyed ee Ustaraaliya $22,100.
21- Maxamuud Shire Ibrahim USA $1077 .
22- Cumar C/laahi iyo C/Qani Maxamad  Mozambic $3445.

 

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles