Dhoobley (RBC) Dabley hubeysan ayaa weerar gaadmo ah ku dishay shan askari oo ka mid ah booliska wadanka Kenya xilli ay baabuur ku marayayeen meel u dhow degmada Libooye ee xuduuda Soomaaliya.
Dableyda hubeysan ayaa weerar toos ah ku qaaday ciidamada Kenya oo baabuurka saarnaa waxaana goobta ku dhintay shan askari iyo saddex ruux oo kale oo rayid ahaa oo la socday baabuurka ciidamada.
Wararka ayaa sheegaya israsaaseyn culus ay dhexmartay ciidamada booliska Kenya ee baabuurka saarnaa iyo dableyda weerarka gaadmada ah ku qaaday.
Waxaa illaa hadda la la’ yahay saddex askari oo illaa hadda nolol iyo geeri lagu heynin, sida ay sheegeen saraakiil u hadashay booliska Kenya oo saxaafadda Kenya la hadlay.
Weerarkan ayaa illaa hadda cid sheegatay aaney jirin, waxaase booliska Kenya ay ku eedeynayaan in weerarkan ay ka dambeyso kooxda Al Shabaab oo had iyo jeer wadada u gala ciidamada Kenya.
Weerarada noocan oo kale ee lagu qaado ciidamada Kenya ayaa ku badan waddooyinka isku xira deegaanada Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gobolka Jubbada Hoose oo ciidamo fara badan oo Kenyaan ah ay ku sugan yihiin.
RBC Radio