Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

AMISOM:Way naga go’antahay xuquuqda dadka dulman ee ku nool Soomaaaliya

$
0
0
danjire Mahamat Saleh Annadif

danjire Mahamat Saleh Annadif

Muqdisho[RBC Radio]War-saxaafaded ka soo baxay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa lugu sheegay in xilligaan ay AMISOM ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tan dadka dulman ee ku nool Soomaaaliya.

Waxaa lugu sheegay qoraalkan ka soo baxay AMISOM,inay mahiim tahay in la dhowro xaquuqd ay leeyihiin dulman ee ku nool Soomaaaliya.

Danjire Mahamat Saleh Annadif oo xafiiskisa qoraalkan laga soo saaray ayaa sheegay in AMISOM ay siineyso dadka dhibaateysan goobo ammaan ah oo ka madax-bannaan rabshado iyo cabsi galin, taas oo qeyb weyn ka ah qorshaha ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Qoraalka oo sii socda ayaa sidoo kale lugu soo qadaay in AMISOM ay si aad u dhow ugala shaqeyn doonto hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed iyo deegaan ammaan ah, si ay meesha uga baxaan dadka doonaya in ay ku xad-gudbaan xorriyadda shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Mahamat Saleh Annadif waxaa uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay helaan tababarro joogta ah oo ku aaddan ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo dhammaan howlaha AMISOM ay ka muuqdaan nidaamka ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Si kastaba ha noqte qoraalkan ka soo baxay Annadif waxaa uu ku soo begmaya xilli caalamka laga xusayo maalinta xuquuqda aadanaha.
_______
RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles