Kismaayo[RBC Radio]Magaalada Kismaayo ee xarunta uu ah gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lugu soo bandhigay bambaaniyin laga soo arooriyey qeybo ka mid ah xaafadda magaaladas,waxana soo bandhigay ciidamad amniga ee maamulka Jubba.
Waxaa la sheegay bambaaniyinka iyo walxaha qarxa ee laga soo dhex qabtay qeybo ka mid ah xaafaddaha Kismaayo,inay ahaayen kuwo la doonayey in lugu dhibaateyo amniga magaalada saldhigga uu ah maamulka KMG ah Jubba ee Kismaayo.
Jamaal Cumar Maxamuud oo ah taliyaha ciidamada nabadsugidda degmada Kismaayo,ayaa warfidiyeenka u sharaxay qabashada ciidamada ay ku qabteen bamboonayinka ay soo bandhigeen maanta,waxana uu sheegay in bambaanooyinkani ay kasoo qabteen qaar kamid ah xaafadaha magaalada, isagoo si hadlayana waxaa uu tilmaamay in dadka deegaanka ay garab kusiiyeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen walaxahaasi.
…”"‘Waxan ku guulesanay inan helno bambaanoyinka idin muqda,waxaa kuwo an ka soo dhex qabanay qar ka mid ah xaafadda Kismaayo,shacabka ayaa gacan nugu siiyey inan helno,waxana lugu doonayey in lugu dhibaateyo amniga Kismaayo…””ayuu yiri Jamaal Cumar Maxamuud oo ah taliyaha ciidamada nabadsugidda degmada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa isna saxaafadda lahadlay oo ka waramay bambaanoyinka ay ciidamada soo qabteen wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga ee maamulka Jubba, Mudane Max’ed Warsame Faarax (Darwiish),waxana uu sheegay in tallabo lugu farxo ay qaaden ciidamada amniga maadamaa ay ka hortageen wax dhibaato u keeni karay shacabka ku nool Kismaayo.
Wuxuu sheegay in Xaafada Suuqa xoolaha ee Magaalada Kismaayo laga soo qabtay bambooyinkaan xilli ay yaaleen meel wadada dhinaceeda ah iyaga oo ku jira jawaano.
Wasiir Darwiish wuxuu sheegay in bambooyinkaasi la doonaye in lagu dhibaateeyo shacabka Kismaayo, isaga oo isweydiiyay hadii intaasi oo bamboo ah lagu dhibaateyn lahaa shacabka khasaaraha inta uu la eekaan lahaa.
Maamulka Jubba ayaa isagu inta badan sheega inay ku dadaalli doonan siga amniga iyo ka hortaga wax kasta oo khatar u keeni kara amniga Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo