Muqdisho (RBC) Wararka ka imaanaya deegaanka Birta Dheer ee duleedka magaalada Baardheer ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ciidamada dawlada ee dhowaan qabsaday deegaankaasi ay isaga bexeen.
Afhayeen u hadlay ciidamada Ahlusuna oo ka mid ah kuwa dawlada federaalka ee horey u joogaay deegaankan ayaa sheegay in sababo dhanka diyaargarowga ah ay dib uga gurteen deegaankan.
Ciidamada dawlada oo ay wehlinayaan kuwa Ahlusuna ayaa la sheegay inay dib uga soo bexeen deegaankan iyadoo illaa hadda dhinaca Al Shabaab aysan iman deegaankan Birta Dheer oo ah deegaanada ay xoolo dhaqatadu ku nooshahay.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay beryahanba ku jireen diyaargarow weyn oo ku wajahan duulaan ay ku qaadaan magaalada Baardheere oo ah degmada kaliya ee Al Shabaab gacanteeda ku jirta ee ka tirsan gobolka Gedo.
Guddoomiyaha gobolka Gedo oo dhowaan hadlay wuxuu sheegay in waqti dhow ay ku wajahan yihiin Baardheere ayna ka saari doonaan ururka Al Shabaab.
Dad ku sugan magaalada Baardheere ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay iyaguna dhankooda ku jiraan diyaargarow xoog leh oo ay uga hortagayaan weerarka la sheegay inuu ku soo fool leeyahay.
RBC Radio