Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20124

Xuska maalinta qowmiyadaha dalka Ethiopia oo Jig-Jiga lugu qabtay maanta[Sawirro]

Jig-Jiga[RBC Radio]Magaalada Jig-Jiga ee caasumada dowlad deegaannka Soomaalida Ethiopia,waxaa maantay lugu qabtay xuska maalinta qowmiyadaha,waxaana goob-joog ka ahaa madax fara badan oo caalamka ka socota.

Mas’uuliyin kala gadisan ayaa ka qeyb galay munaasabada ay qowmiyadaha  Ethiopia kusoo bandhigeen hidaha iyo dhaqankooda,waxana qeyb ka ahaa madaxdii munaasabada joogtay madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waftika socda dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa iyguna ka qeyb galay waxana  hoggaaminayay wasiirka warfaafinta, boostada iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ay ku jiraan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo odoyaal dhaqameed,safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
1-1024x764

Madaxda maamul gobolledyada Soomaaliya ayaa iyagu ka qeyb galay xuskaan,waxana ka mid ahaa madaxweynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole),madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe,madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo iyo xubne kale.

Dahfurkii munaasabada waxaa khudbado ka jeediyey madaxda shirka ka soo qeyb galay,waxana hadal jeediyey R/wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn,waxana uu  sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay marti geliso xuska qowmiyadaha oo loo qabtay sagalka dowlad deegaan ee dalka Ethiopia ka jirta qowmiyadaha ku dhaqan iyo tan federaalka ah.

Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuuti oo isna khudbad ka jeediyey madasha ayaa soo hadal qaaday  in tani ay guul weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, uuna u rajeynayo shacuubta Ethiopia ku dhaqan in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
2-1024x764

Munaasabada xuska ayaa inta ay soo cotay waxaa lugu soo bandhigay  hiddaha, dhaqamada iyo taariikhda qowmiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia ku dhaqan sida uu ku soo waramay Wariyaha Warbaahinta qaranka Feysal Muuse oo kusugan magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlad deegaanka Ethiopia.

Isku soo wada duubo Jig-jiga ayaa markii ugu horreysay marti gelisay xuska qowmiyadaha dalka Ethiopia, iyada oo la adkeeyay ammaanka magaalada oo dhan, iyadoo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter’ska ay ka qeyb qaadanayeen xuska qowmiyadaha dalka Ethiopia oo ay daadinayeen astaamo muujinaya xuska, waxaana dadweyne badan ay isugu soo baxeen fagaaraha Taalada Sayid Cabdulle Xasan oo dhawaan halkaasi laga hirgeliyay.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20124

Trending Articles