Garoowe (RBC RADIO) Cali Xaaji Warsame oo Dhawaanahan la hadal hayay in uu Musharaxiinta Puntland ka mid yahay sida uu sheegtay wuxuu si Cad oo aan ka gabasho lahayn u weeraray Isimada Puntland isagoo ku tilmaamay in ay yihiin Kuwo gabay Hawshii loo idmaday sida uu hadalka u dhigay, Musharaxu wuxuu hadalkaa ka jeediyay Xaflad ka dhacday Garoowe oo uu ka qaybgalay.
Musharaxa ayaa muuqata sababta uu Isimada u cambaareeyey in ay ahayd kadib markii ay ka hadli waayeen Khilaafka u dhexeeya Dowlada Puntland ee uu hoghaaminayo Mudane Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ee la xiriirta soo magacaabitaanka Gudiga Khilaafaadka oo sida ay Dowladu sheegtay ah mid Dastuuri ah oo Sharciga Waafaqsan Musharaxiinta uu Cali Xaaji ka mid yahayna ay ku goodiyeen ay Gudi kale ka daba Yagleeli doonaan taasoo dad badan u fasirteen in ay tahay (Ijiid aan ku jiidee waa Gacmo daalis).
Cali Xaaji warsame oo Siyaasada aan Magac dheer ku lahayn ayeey dad badan ku tilmaameen in uu ku fududaaday Isimada Puntland oo ah Marjaca loo laabto hadii is qabqabsi uu yimaado waxayna sheegeen in uu ku deg degay Cambaaraynta Isimada taasoo muujinaysa in uu Siyaasada ku cusub yahay Lataliye yaal wacanna uusan lahayn.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.