Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Bannaanbax Lagu Dalbanayo Inay Dawlada Wada Xoreyso Gobolka Sh/Hoose oo Ka Dhacay N0-50 (Sawirro)

$
0
0

Banaanbax-NO 50-2Muqdisho (RBC) Boqollaal dadweyne ah oo ku nool deegaana KM 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta halkaasi ka sameeyay dibadbax ay ku dalbanayaan in dawladu gobolka ka saarto ururka Al Shabaab meelaha ay ka joogaan.

Dadkii mudaagharaadka ka qaybgalay ayaasita calamo iyo boorar lagu soo soray halku dhigyo ay ku diidan yihiin kooxda Al Shabaab, ayna ku dalabanayaan in dhammaan degmooyinka gobolka ee weli gacanta ugu jira Al Shabaab laga wada saaro.

Meelaha ay dadka ka hadleen waxaa ka mid ah degmada Baraawe oo ay sheegeen inay u baahan tahay in laga badbaadiyo Al Shabaab.

Bannaanbaxan ayaa waxaa dadweynaha ku horkacayey fudoomiyaha deegaanka Cabdullaahi Waafow oo ugu dambeyntiina dadweynaha mudaaraadka ka soo qaybgalay hadal u jeediyey.

Guddoomiyaha N0 50 C/laahi Waafow.

Guddoomiyaha N0 50 C/laahi Waafow.

Guddoomiyaha N0 50 ayaa sheegay in mudaaharaadka loo qabtay si dadka ay dareenkooda u muujiyaan, wuxuuna sheegay in dadweynaha ay dawlada federaalka ah ka rabaan in gobolka ay wada xireyso isuna furto waddooyinka iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in ay sidoo kake rabaan in nabadgeklyada gobolka sare loo qaado ka dib markii dhowaan colaad beeleed sababtay khasaare fara badan ay ka dhacday isla deegaanka NO 50 ee uu mudaaharaadka uu ka dhacay.

Banaanbax-NO 50-3Bannaabaxan ayaa dhacay labo usbuuc ka dib markii shir nabadeed oo lagu xalinayey colaadii N0 50 lagu qabtay deegaankaasi.

Banaanbax-NO 50-6

 

Banaanbax-NO 50-1

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles