Muqdisho (RBC) Xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guda jiro kulamo uu ku baadigoobayo shakhsiga uu u xulan doono jagada raysul wasaaraha cusub ee dalka ka dib markii toddobaadkii hore xubnaha baarlamaanka ay kalsoonida kala laabteen raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa dhinaca kale xusul duub ku jira xubnaha wasiirada ka ah xukuumadda hadda jirta.
Xukuumadda uu hogaaminayey Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u kala qeybsanyd ugu yaraan labo qeybood, ama sida dadka qaar yiraahdaan waxay ka abuurantay labo aragtiyood kala ah; aragtida madaxweyne Xasan Sheekh oo saameyn weyn ay ku leeyihiin Xarakada Damu Jadiid iyo aragtida Saacid Shirdoon oo aan ka marneyn saaxiibadiis ay jaalka ahaayeen mudadii u deganaa Nairobi ay saaxiibadiis u keeneen.
Hadda waxay sheekada u muuqataa in wasiirada tobanka ah ay u kala miirmeen labadii saf ee ay markii hore ku kala taagnaayeen, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah golaha xukuumadda ay la dhici doonaan raysul wasaare Saacid halka qaar kalana loo badinayo inay soo laabtaan.
WASIIRADA RAACI DOONA SAACID
Wasiirada ku jaalka aha raysul wasaaraha waxaa ugu horreeya Drs Maryan Qaasim, Cabdullaahi Ciilmooge, Maxamed Kaalmooy iyo Cabdixakiin Fiqi, waxaana xubnaha ay u badan tahay inaysan dib ugu soo laaban doonin xukuumadda cusub.
Xubnahan ayaa lagu tiriyaa inaysan ahayn kuwo dhib badan, inkastoo dadka siyaasadda ka faalooda ay sheegayaan inay mar walbaba jeebka ugu jireen raysul wasaarahooda Saacid Shirdoon.
WASIIRADEE HARI DOONA?
Waxaa jira loolan ay wadaan wasiirada dhanka madaxweynaha ka soo galay kuwaasoo doonaya inay markale ku soo laabtaan xukuumadda cusub, waxaana la sheegayaa in xubnaha ay weli kalsooni ka heystaan madaxweynaha.
Wasiirada aadka loogu badinayo inay markale helaan xilal wasaaradeed ayaa waxaa ka mid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah wasiirka garsoorka, halka Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah wasiiru dawlaha madaxtooyada la sheegayo in loo wareejinayo mid ka mid ah safaaradaha dawlada ee wadamada Carabta.
Sidoo kale Maxamuud Suleymaan Cawil oo ah wasioirka maaliyadda ayaa loo badinayaa inuusan booskiisa waayi doonin, waxaana Suleymaan lagu sifeeyay inuu yahay nin aysan marnaba iska hor iman madaxweynaha iyo raysul wasaaraha, kuna fiicnaa xafiiskiisa iyo shaqada uu hayey.
Hase yeeshee Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda oo arkii horana ku timid shaqada dhinaca madaxweynaha ayaa la maleynayaa inaysan xilka ku soo laaban doonin, walow la sheegayo in iyada la geyn doono xafiis kale oo isla arrimaha dibadda aan ka fogeyn.
Si kastaba xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhankooda dhinac ka wada xusul duub ay ugu jiraan inay xilal wasaaradeed helaan halka qaar kalana ay si weyn u mcaaradsan yihiin in hal wasiir oo ka mid ah xukuumadda Saacid Shirdoon uu markale soo laabto, taasoo ay suurtaga tahay inay mooshin ka keenaan, gaar ahaan xildhibaanada aadka ugu kacsan siyaasadda ururka Damu Jadiid ee lagu lamaaniyo madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda heysta saddex usbuuc si uu raysul wasaare u soo magacaabo, maadaama hal usbuuc uu hadda dhamaaday marka loo eego 30 maalmood ee dastuurka u ogol yahay in madaxweynuhu ku soo magacaabo wasiirka koowaad haddii xilkaasi banaanaado.
Raxanreeb Online