Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxada Soomaalida oo casho sharaf Jig-Jiga loogu sameeyey[Sawirro]

$
0
0

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Jig-Jiga[RBC Radio]Caasumada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jig-Jiga,oo lugu wadda in maantay ay ka furanto munaasabadaha la xiriira xuska qowmiyadaha Ethiopia,ayaa xalay waxaa lugu qabtay munaasabd horu-dhac ah oo casho loogu sameeyey mas’uuliyintii ka soo qeyb gashay.

Xubnaha casho sharafta loo sameeyey waxaa qeyb ka ahaa madaxda Soomaalida oo isgu jirtay mas’uuliyin ka socotay dowladda faderaalka iyo madaxweynayaasha maamul gobolledyada dalka ka jira.

Waftiga  ka socda dowladda faderaalka ee ka qeyb galaya xuska waxaa hoggaaminaya wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, boostada iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi,waxana qeyb ka ah xildhibaano,wasiir,Odayaal dhaqameed iyo xubnoka socda bulshada qeybaheeda kala duwan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Madaxweynaasha maamul gobolledyada ka jirta Soomaaliya ee iyaguna ka qeyb galaya xuska qowmiyadaha Ethiopia,waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland C/rixmaan Faroole,Axmed Madoobe iyo xubnoka socday maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia, Axmed C/salaam Xaaji Aadan,ayaa isna dhinaciisa goob-jog ka ahaa madasha kulan sharafedka loogu sameeyey madaxda Soomaalida,waxana la sheegay inay ka soo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 5,000 oo ruux.

Dahfurkii kulanka waxaa hadal ka jeediyey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ah madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia,waxana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay kulankan ay ku kulmeen madaxda Soomaalida,waxana uu inta ku daray ka qeyb galka xuska maalinka qowmiyadaha Ethiopia ee ay madaxda ka qeyb galayaan inay u tahay wax weyn.

Madaxweynaha wxaa kalo uu fah-faahiyey horumarka kala gadisan ee xilligaan caasumada Jig-Jiga ka socda isagoona soo hadal qaaday in horumar ballaaran uu deegaanku ku tallaabsaday dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay,taasina ay muujinayso sida uu sheegay  in magaalada Jigjiga uu ka muuqdo horumar dhinacyada dhismaha iyo ammaanka ah,waxana uu shraf ku tilmamaay in Jig-Jiga ay maantay marti galinayso  xuska qowmiyadaha Ethiopia.

Goor dhow ayaa lugu wadda inay bilowdan munaasabadaha xuska maalinya qowmiyadaha Ethiopia.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles