Muqdisho[RBC Radio]Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maantay kal-fadhi ku leh xarunta gollaha shacabka,waxana fadhigooda uu noqonaya mid yimaada kadib markii dhawaan ay kalsoonida kala laabten xukuumadii uu hoggaamin jiray Saacid.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey maanta xarunta gollaha shacabka inay ku kulmi doonan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya , iyadoo ajandaha kulanka lugu sheegay inuu noqon doono akhrinta koowaad hey’adda cilmi baarista baddaha, iyo akhrinta koowaad ee qaxootiga iyo barakacayaasha.
Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo sii hadlaya hadalkiisa waxaa uu ku soo qaaday in ajandaha maanta ay heystaan waraaqahoodii horeyna loogu qeybiyay kuwa aan heysanin waxa uu tilmaamay in maanta loo qeybin doonaan.
Maxamed Cumar waxaa uu inta uu ku daray in kulanka maanta xildhibaanada is qora ay ka doodi doonaan labadani ajanda ee baarlamaanka dalka.
…”"”Kulanka maanta ee baarlamaanka ay yeelanayan waxaa uu yahay mid ay ugu doodi doonan akhrinta koowaad hey’adda cilmi baarista baddaha, iyo akhrinta koowaad ee qaxootiga iyo barakacayaasha…”"”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iygu dood ay ka yeeshen ajande ku aadana xukuumada R/wasaare Saacid waxaa ay cod u qaaden inay kalsoonidi kala labteen dhawaan,waxana xilligaan xukuumadii Saacid ay ku shaqeynaysa si KMG ah.
_____
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho