Ceelbuur (RBC) Wararka ka imaanaya magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in meydka nin nabadoon ahaa oo maalmo ka hor ay xireen dagaalyahanada Al Shabaab laga helay duleedka magaaladaasi.
Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Shire Daahir Cusmaan ayaa meydkiisa laga helay meel qiyaastii 3km ka baxsan magaalada Ceelbuur oo ay joogaan Al Shabaab.
Dad ku sugan magaalada Ceelbuur oo idaacadaha gudaha la hadlay ayaa sheegay in nabadoon Shire Daahir ay kaxaysteen dhowr maalmood ka hor rag ka tursan Al Shabaab oo gurigiisa ka kaxaystay.
Waxay intaasi ku dareen in nabadoonka uu ka mid ahaa odayaal dhaqameed ka soo jeeda jufooyinka deegaanka oo dhowr bil ka hir ay la shireen saraakiil ka tirsan ururka Al Shabaab ayna ka dalbadeen in oday kasta uu beeshiisa ka keeno lacag lagu taakuuleeyo dagaalka Al Shabaab ay ku tilmaantay jihaadka ee ka socda Soomaaliya.
Nabadoonada qaarkood ayaa la sheegay inay hogaansameen amarka Al Shabaab halka qaar kalana ay deegaanka isaga carareen, waxaase nabadoon Shire Daahir laga waayey dhaqaalihii loo diray inuu jufadiisa ka keeno isagoo diiday inuu wax lacag ah soo ururiyo.
Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliyaan ku soo rogay amaro ay lacago iyo xoolo ku weydiisanayaan xoolo dhaqatada iyo ganacsatada iyagoo xoolaha iyo lacagahaasina ku tilmaama inay yihiin Sako halka mararka qaarna ay ku sheegaan takuleyn iyaga ay u baahan yihiin.
Waxaa horey sidan oo kale ooxdu u khaarajisay odayaal iyo ganacsato si bareer ah u diiday bixinta lacagta ay Al Shabaab dul dhigeen ganacsatada iyo xoola dhaqatada.
RBC Radio