Nairobi (RBC) Dagaal beeleed aad u culus oo geystay dhimashada dad badan ayaa illaa haatan ka socda deegaanka Mooyaale ee xuduuda Kenya iyo Ethiopia halkaasoo labo maleeshiyo beeleed ay isku hayaan.
Dagaalkan oo qarxay 30kii bishii dhamaatay ayaa socda illaa hadda iyadoo aaney jirin cid kala dhexgashay labada maleeshiyo beeleed oo isku heysta doorashadii u dambeysay oo ka dhacday Kenya oo labada beeleed rag ka tirsan ay ku murmeen kuraasta degmooyin ay ku jirto Mooyaale.
Dhimshada illaa hadda la soo sheegayo ayaa gaareysa 30-meeyo ruux halka dhaawac aan la heyn tiradiisa uu jiro.
Barakac xoog leh ayaa ka socda magaalada Mooyaale, waxaana qoysaskii deganaa magaalada iyo tuulooyinkii ku dhowaa ay u tallaabeen dhinaca wadanka Ethiopia halkaasoo magangelyo ay weydiisteen Ethiopia.
Odayaal ka soo jeeda deegaanka Mooyaale ayaa ku eedeeyay dawlada Kenya inay wax ka qaban weysay labada maleeshiyo ee dagaalkoodu khasaraha badan sababay, isla markaana ay dhexdhexaadin weysay.
Warrka ugu dambeeya ayaa sheegaya in dagaalkan uu xoogeystay ka dib markii wadahadal la doonayey in qaab qabiileed loogu dhexgalo labada beelood uu guuldareystay.
RBC Radio