Boosaaso[RBC Radio] Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo Maalmaha Booqasho ku jooga Magaalada Bosaso ayaa Maanta Booqday Cusbitaalka Wey nee Bosaso, oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maalintii khamiistii ka dhacay Magaaladda Bosaso.
Musharax Maxamed oo ah musharixii u horreeyay ee Booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa Deeq Lacageed Gaarsiiyay dhammaan Dhaawacii ku jiray Cusbitaalka oo qaarkood ay sheegeen Maamulku Cusibtaalku in xaaladoodu aad u liidatay, ayna u baahnaayeen in loo qaado Cusbitaalo Dibada ah
Maxamed Axmed xuseen (timojilic) oo ah Maamulaha Cusbitaalka Bosaso ayaa uga mahadnaqay Musharax Maxamed Cabdiniir Deeqda Lacageed ee uu soo gaarsiiyay Dhaawaca ku jira Cusbitaalka.
…….”””Dhaawaca waxaa ku jiray dad aad iyo aad u liitay oo aan heli Karin Cunooyinkii quutul daruuriga ah oo shaqaalaha Cusbitaalku ay caawinayeen. Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu yahay musharixii u horreeyay ee kaalmo Lacageed soo gaarsiiya Dadkaas, oo Qofkasta uu farta ka saaray” ayuu yiri Timojilic
Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo mid mid ula kulmay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Bosaso , islamarkaana guddoonsiiyay Lacagta Deeqda ah, ayaa uga tacsiyeeyay dadkaas Dhibaatada soo gaartay, waxaana uu ilaahay uga beryay inuu Caafimaadiyo
…..””Musharixiinta, Ganacsatada iyo Dadweynaha Reer Puntland oodhan waxaanu ka codsanaynaa in la caawiyo dadka dhaawac ah, Dad danyar ah ayay u badan yihiin, oo aan awood u lahayn inayn iyagu isdaaweeyaan” ayuu yiri
……..”””Annagu saaka Boqasho ayaanu ugu nimid, Waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qaybqaadano wax allaale wixii kharash oo lagu daaweynayo” ayuu sii raaciyay
Musharax Maxamed Cabdinuur xirsi oo ah Musharax u taagan Doorashada Madaxtinimada Puntland ee 8 January 2014 ayaa shalay soo gaaray Magaaladda Bosaso , waxaana uu shirar iyo Kulamo la yeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshadda ku nool Magaalada Bosaso.
___________________
RBC Radio