Jig-Jiga[RBC Radio]Magaalada Jig-Jiga ee caasumada dowlad deegaandka Soomaalida Ethiopia waxaa maanta ka billaabanaya Xuska maalinta qowmiyadaha Ethiopia.
Munaasabadan ballaaran waxaa ka qeyb galaya waftiyo caalami ah,sidoo kale madaxda Soomaalida ayaa goob-jog ka ah,madaxda maamul gobolledyada ayaa iyaguna ku waheliya ka qeyb galka furitaanka munaasabada lugu xusaya maalinta qowmiyadaha Ethiopia.
Xalay waxaa Jig-Jiga ka dhacay dah furka munaasabada maanta furmaysa,waxana lugu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka qowmiyadaha degga Ethiopia.
Sidoo kale waxaa lugu wadda mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa xuskan in furitaanka munaasabada ay kalmado sharaf ka jeediyaan, ayadoona sidoo kale qowmiyadaha kala duwan ee ka qeyb galaya xusaka ay soo bandhigi doonaan hide iyo dhaqankooda iyo qowmiyad weliba dhaqanka u gaarka ah.
Madaxda Soomaalida ayaa iyagu ka qeyb galaya waxana dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya uqa qeyb galaya xuskaasi furmaya maanta wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciil Mooge Xirsi iyo wafdii Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jiro uu hogaaminaayo,waxana xilligaan wafitigaasi ku sugan yihiin magaalada Jig Jiga iyagoona qeyb ka ah Martida lagu Casuumay Xuska,
Dhinaca kale madaxda mamaulda ee dalka ka jira yaa iyaguna goob joog ka ahaan doonna munaasabadan ballaaran waxana ka mid ah madaxda mamaulada ee la casumay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole), madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),waxana dhamaantod ay kuwada sugan magaalada Jig-jiga kuwaasi oo si gaar gaar ah ukala socda kana qeybgalaya munaasabada.
Qabashada xuska maalinta qowmiyadaha Ethiopiaee maanta ka dhacaysa magaalada Jig -Jiga,waxaa ay ka dhigaysa in markii ugu horreysay marti gelineyso.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio