Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada nabad sugidda gobolka Hiiraan oo maanta soo xirxiray dad ay uga shakiyeen inay ka tirsan yihiin Alshabaab

$
0
0

beledweyneMuqdisho(RBC Radio) Ciidamada ammaanka maamulka gobolka Hiiraan ayaa saakay baaritaanno ka sameeyey xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,ciidamada ayaa howlgalkaas ku soo qabqabtay dhaliyarro ay uga shakiyeen inay ka dambeeyaan dilalka qorshaysan in weerarada ka dhacay gudaha magaalada Beledweyene.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Hiiraan Xuseen Cali ayaa warbaahinta uga warbixiyay howlgalkii ay maanta ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay inay howlgalkaas ku soo xirxireen dhalinyaro ay uga shakiyeen inay lug ku leeyihiin falalka amni xumo ee ka dhacay magaalada Beledweyne.

Xusen Cali Taliyaha ciidamada Nabad sugida gobolka Hiiraan ayaa tibaaxay in dhaliyarada qaar ka mid ah ay qirteen inay ka tirsan yihiin ciidamada ururka Alshabaab, wuxuuna ka dhawaaajiyay in maxkamad lasoo taagi doono dhalinyaradaas qiratay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Taliyaha ciidamada nabad sugidda gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay baaritaanno ku samayn doonaan dhalinyaradii maanta lagu soo qabqabtay howlgaladii ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne.

Markii uu dhowaan qaraxa Ismidaaminta ahaa iyo weerarkii daba socday uu ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ayaa waxay ciidamada ammaanka gobolka Hiiraan bilaabeen howlgallo aad u balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka xarunta gobolka Hiiraan.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles