Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada AMISOM oo la wareegay ammaanka xarun uu ka socda shir maamul lugu dhisayo oo Baydhabo ka socda

$
0
0
Ciidamada AMISOM oo la waregay amniga xarun uu shir ka socda Baydhabo

Ciidamada AMISOM oo la waregay amniga xarun uu shir ka socda Baydhabo

Baydhabo[RBC Radio]War ka soo baxay xubno ka tirsan ergooyinka uu shirka ugu socdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,waxana shirkaasi uu yahay mid lugu dhisayo gobollada Koonfur galbeed Soomaaliya maamul ayaa soo sheegaya in halka uu shirkaasi ka socda inay  amnigeeda la wareegen ciidamada  nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM).

Waxana la sheeg inay arrintaan ay timid kadib markii ay dalbadeen ergada shirka ka qeyb galaysa in ciidamada AMISOM ay la wareegan sugida amniga goobta uu shirka ka socdo.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah ergooyinka ka qeyb galaya shirka ee jooga Baydhabo  ayaa warbaahinta guddaha u sheegay in la wareegitaanka xarunta shirka ee ciidamada AMISOM ay ka dambaysay kulan ay magaalada Baydhabo dhowaan kula yeesheen ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohammed Saleh Annadif.

Waxana uu malaaqu caddeyey inay si weyn ay usoo dhaweynayaan la wareegida amniga goobta uu shirka ka socda oo ay xilligaan a wareegen ciidamada AMISOM ee labad sugida dalka xilligaan u jooga.

Halka uu shirka ka soconaya ayaa waxaa lugu magacaaba wakaaladda horumarinta beeraha ee ADC ee magaalada Baydhabo,waxana la xaqiijiyey shirka ka socda inuu yahay mid lugu doonayo  in maamul loogu sameeyo gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo weli magaalada ay ku sii qulqulayaan ergooyinka ka qeyb galaya shirkaasi.

Dhinaca kalana war ka soo baxay odayaal dhaqameedka iyo ergooyinka ka qeyb galaya shirka,ayaa waxaa lugu sheegay in la soo gebo gabeeyay wejigii koowaad ee shirka isla markaana dhowaan uu furmayo shir weynihii lagu dhisi lahaa maamul ay yeeshaan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gobollada la doonayo in maamul loogu dhiso shirkaan ayaa waxaa ka mid ah kuwo xilli hoore qar kood maamulo la aqoonsan yahay laga hirgaliyey,waxana ka mid ah gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo iyagu leh maamul dowladda dhaxe ay aqoon satay.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles