Muqdisho (RBC) Madaxda guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubadda hoose,halkaasi oo ay kulamo balaaran kula yeesheen madaxda sportiga ee gobolka,
Duraan Axmed Faarax oo ah xoghayaha guud ee GOS oo kamid ahaa madaxdii gaartay Kismaayo ayaa sheegay inay kormeereen garoomada ku yaalla magaalada isagoo xusey in J/hoose maadaama ay caan ku ahayd sportiga ay mudan yihiin in lagu dhiirigeliyo sidii dhinacyada horumarinta ee GOS ku howlan tahay ay gaarsiiyaan,sida dhismaha garoomada,xafiisyada qalabeynta iwm.
“Waxaanu kulan la yeelaney madaxada halkaasi ee dhinaca sportiga,inagoo goob joog u ahayn doorashadii dhinaca kubadda cagta oo runtii u dhacdey sidii loogu talogaley,waxaana ku wareejiney madaxda zone 2 qalab sporti gaar ahaan xiriirka iminka la doortey ee kubadda cagta”ayuu yiri Duraan.
Waxaa uu sheegay in Kismaayo iyo gobolka Jubada Hoose ay caan ku tahay sportiga taariikh fogna ay ku leeyiihn ciyaaraha dalka,sidaasi darteed GOS waxaa ay dhiiri gelineysaa horumarinta wixii ay awoodo sidii sportiga gobolkasi magaciisa usoo noqon lahaa ayuu raaciyey.
Waxaa uu xusey in halkaasi laga furi doono xafiiskii ay ku shaqeyn lahaayeen madaxda zone 2 oo GOS uga mas’uul ah qeybaha Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose,taasina ay qeyb ka ahayd safarkooda magaalada Kismaayo.
Nocsom Media Dept.