Khartoum[RBC Radio]Wararka ka imaanaya dalka Suudaan, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta lagu xiray Soomaali gaareysa 24-ruux kuwaasi oo doonaye inay qaab tahriib ahaan ku galaan dalkaasi Suudaan.
Waxaa la sheegay in dadkaan la xiray ee tiro ahaan dhan 24-ruux, in 9- kamid ah ay yihiin haween Soomaaliyed waxana dhamaantod la sheegay inuu qorshahooda ahaa sidii dalkaasi ay ugu gali lahaayeen si sharcidaro.
Dadkaan ayaa waxaa la sheegay in dalka Suudaan ay keentay dooni ay ka soo raaceen dalka Yemen taaso ku soo xiratay dekadda Port- Sudan,waxana markiiba ay doonto soo xiratay muhaajirintaan gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada ee dalkaas kuwaaso xabsiga dhigay Soomaalida ay qabteen.
Dekedda Port- Sudan ee lugu qabtay Soomaalidaan waxaa ay ku taalla waqooyi Barri dalka Sudan, 675 KM ayayna u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Xubno ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Suudaan oo warbaahinta dhinacooda la hadlay waxaa ay xaqiijiyeen xariga dadka Soomaalida ah ee ay qabteen cidamada ilaa lada dalkaasi Suudaan.
Soomaalidaan la qabtay ayaa la sheegay inay noqonayaan Soomaalidii ugu horreysay oo tahriib ah oo ka soo gala dhinaca dekedda Port- Sudan.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio