Muqdisho[RBC Radio]Warar an helayno ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya guddoomiye KMG ah ay u magacaawday Baanka dhexe ee dalka Soomaaliya,waxana ay arrintan timid kadib markii guddoomiyihii Baanka dhexe ee dalka ay horay isku casishay.
Waxaa la sheegay in xilka guddoomiyaha Baanka si KMG ah loogu dhiibay Bashiir Ciise oo horay usoo noqday guddoomiyihii Bankiga dowladii C/laahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale magacaabista guddoomiyaha sida KMG ah u heyna xilkaa waxaa ay timid kadib shir ay wadda qaaten madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyada Xukuumadda,waxana sidoo kale labada masuul ay la shireen masuuliyiin ka socota dowladaha deeqbixiyaasha, kuwaasi oo madaxweynaha wax ka weydiiyay sababta iscasilaada Yusur Abraar.
Masuulka xilkaan loo dhibey ee Bashiir Ciise, ayaa waxaa la sheega inuu yahay shaqsi si wanaagsan ugaranaya howlaha Baanka dhexe ee dalka, waana ruux howshan muddo soo haaye, laakiin markii dambe uu xilkaasi iska casilay, kadib markii ay isku dhaceen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligaasi ahaa wasiirkii maaliyadda dowladii KMG aheyd,waxana sidoo kale masuulkan rug caddaga ku ah xilka uu yahay masuul ka soo jeeda dhulka Puntland.
Wali dowladda faderaalka Soomaaliya madaxdeda ma aysan xaqiijin magacaabista guddoomiyahan cusub ee sida KMG ah xilkaan loogu magacaabay.
Isku soo wadda dubo Baanka dhexe ee dalka ayaan mudoo la hayn guddoomiye,kadib markii guddoomiyihii hore oo iyana muddo 7-maalin ah xilka heysey Yusur Abraar ay xilka iska casishey iyadoona is casilaadeeda ku sababeysey kadib markii sida la sheegay ay cadaadisyo la kulantay.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio