Gaalkacyo[RBC Radio]Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug munaasabad soo dhaweyn ah waxaa loogu sameeyey rug caddagii hore ee Isboortis kana soo mid noqdey xulka qaranka ee dalka Axmed Nuur Maxamed(Seyga Rushka)xilligaan ah guddoomiyaha mideeynta qurbo-joogta Soomaaliyed ee dhina Isboortiska.
Munaasabada xubnaha uu hoggaaminayey Seyga Rushka lugu soo dhawenayey waxaa soo agaasimay maamulka kooxda kubadda cagta heerka koobad ee Comsed Fc,taaso ka dhisan gobolka Mudug.
Maamulka kooxda ee munaasabad qabtay waxaa hor-socdey mulkiilaha kooxda Comsed Fc Dr C/qaadir Jaamac (Dhaga-cadde) iyo guddoomiyaha kooxdas C/qani Khaliif Carabeey.
Dah furkii kulanka soo dhaweynta ah waxaa hadal soo dhaweyn u badna ka jeediyey guddoomiyaha kooxda Comsed Fc C/qani Khaliif Carabeey,waxana uu ugu horeen soo dhaweeyey xeel dharayaasha Isboortis ee dalka,waxana sidoo kale uu ka warbixiyey marxaladda ay ku dhisan tahay kooxda heerka koobad ee Comsed Fc,waxana uu xaqiijiyey Carabeey in kooxdu ay tahay mid ku dhisan qabka kooxaha heerka caalami.
…”"”Way na farxad galinaysa haddii an nahay maamulka kooxda Comsed Fc inan marti qaad rasmi ah usameyno rug-cadaayal Isboortis,munaasabada waa mid an idinka idin ku sharafney,kooxda Comsed Fc iyadana haddaan ka hadlo waa mid ku dhisan qab heer caalami ah….”"‘ayuu yiri C/qani Carabeey.
Dr C/qaadir Jaamac (Dhaga-cadde) oo ah mulkiilaha kooxda Comsed Fc iyo cisbitaalka GMC ayaa isna hadal soo dhaweyn ah oo uu madasha ka jeediyey waxaa uu ku soo qaaday inuu soo dhaweynayo waftigaan soo boqdey Gaalkacyo.
…”"”Waxaad idin leenahay ku soo dhawaada Gaalkacyo,wana ku faraxsanahay inad inoo timaadan mudashaana an ku kulano,waxana farxad inoo ah in maantay an la kulano oo an munaasabad u qabaano shaqsi qaali ku ah bahda Isboortsika ee dalkeena…”"”ayuu yiri Dr Dhaga-cadde.
Ugu danbeenti waxaa madasha hadal ka jeediyey Axmed Nuur Maxamed(Seyga Rushka),waxana uu dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qiimaha badan ee ay maamulka kooxda Comsed Fc u soo dhaweeyen waxana uu si gaar ah uu ugu mahad-celiyey mulkiilaha kooxda iyo guddoomiyaha kooxda oo iyagu munaasabada soo aagsimay.
…”"”Runtii ad ayan idin kugu mahad-celinaya sida dareenka qiimaha badan leh ee maantay ad nugu soo dhaweysen Gaalkacyo,waxan isbadal ka daremaya dareenkii hore ee an Gaalkacyo ku imdi dad badan ayaa i dhahay Gaalkacyo qatar teeda badan laakin tas ma haa wax run ah waayo magaalada waxan ku dhex marey si nabdoon qofkastana wuu nasoo dhaweeyey….”"”ayuu yiri Seyga Rushka guddoomiyaha mideeynta qurbo-joogta Soomaaliyed ee dhina Isboortiska.
Sidoo kale kulankaan waxa aka qeyb galay duga degamada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad iyo fanaanka Soomaaliyed Maxamed Xusen Lafoole.
_____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio