God-qaboobe[RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey Caaqil Cabdisalaan Muuse (Deri) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool,waxaa maantay deegaano ka tirsan gobolka ka dhacay dagaall muddo qaatay oo dhex maray ciidamo ka wadda tirsan Khaatumo.
Dagaallkan waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka God-qaboobe ee gobolka Sool,waxana la caddeyey inuu dhexmaray ciidamo ka yimi Buuhoodle oo ku socday Taleex iyo ciidamo jooga duleedka God-qaboobe.
Illaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashey dagaallka,inkasto wararkii ugu danbeeyey ee ay Raxanreeb.com ay helayso ay sheegayan in xilligaan uu dagaallka istaagay oo aysan jiro wax dagaall ah oo xilligaan ka socda deegaanka.
Caaqil Cabdisalaan Muuse (Deri) oo la hadlay warbahainta guddaha ayaa waxaa uu xaqiijiyey in dagaallku xilligaan uu istaagan muddana uu ka socdey deegaanka God-qaboobe ee gobolka Sool.
…”"”Maantay dagaall ayaa waxaa uu ka dhacay God-qaboobe oo gobolka Sool ka tirsan ,waxaa naloo soo sheegay in muddo kooban uu dagaallku socdey,mana jirto khasaaro ka dhashey dagaallkan oo an helayno,ciidamada uu dhex marayna waxaa la sheegay inay yihiin kuwo ka wadda tirsan Khaatumo sababta dagaallka uu dhex marayna wali nalooma xaqiijin…”"“ayuu yiri Caaqil Cabdisalaan Muuse (Deri).
Wali wax war ha kama soo bixin masuuliyinta Khaatumo,lamana sheegin xilligaan waxaa keenay ciidamada ka wadda tirsan Khaatumo inay wadda dagaallamaan.
Garab ka mid ah ciidamadii maanta dagaalku dhexmay ayaa haatan la soo sheegayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Taleex iyagoo gaashaaman.
Waxana la sheegaya in muddadanba xiisad colaaded laga dareemayey qeybo ka mid ah gobolka Sool.
Waxana dagaalka uu imaanaya xilli galinkii danbe ee shaly uu dib uga soo labtay Taleex madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo xilligaan Garoowe ku sugan,balse waxaa la sheegaya inay suragal tahay in mar saddexad dib uu ugu labto Taleex halkaaso uu kula soo kulmay siyaasiyin iyo Odaasha dhaqanka ee deeganka.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio