Kismaayo[RBC Radio]Sida ay xaqiijiyen saraakisha amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba,waxaa magaalada Kismaayo lugu qabtay labo nin oo ajaanib ah.
Saraakishu waxaa ay caddeyen in raggaan la qabtay ay yihiin kuwo si sharci darro ah kusoo galay Kismaayo,in kasto wararku qar ay sheegayan raggaan inay yihiin xubno ka tirsan Al Shabaab walina arrinta lama xaqiijin sida ay tilmaamen saraakil u hadashey ciidamada gacanta ku qabatay ajaanibtan ee maamulka Jubba.
Sheekh Maxamuud Qaalib oo ka mid ah saraakiisha maamulka KMG ah ee Jubba aya awareysi gaar ah goor dhawed siiyey Raxanreeb isagoona kaga hadlay ciidamadooda ajaanibta ay gacanta ku dhigeen.
…”"”Waa run raggaan ciidamada amniga ee maamulka Jubba ayaa gacanta ku dhigay,waxana ay la socdeen dooni sharci darro ku soo galisey dakedda magaalada Kismaayo,balse markiba ciidamadena ayaa gacanta ku dhigay,kuwaaso mar walba ka warhaya dhaq dhaqaaqa ka socda dakedda Kismaayo…”"”ayuu ku yiri Sheekh Maxamuud Qaalib wareysiga uu sinayey Raxanreeb.com.
Sargalku waxaa uu soo hadal qaaday in labada nin ee ay qabteen ay ku wareejiyeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgallka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga magaalada Kismaayo, maadaama ay sheegteen in ay la socdeen doonni, ka soo gashay dhanka magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Sheekh Maxamuud Qaalib waxa auu sidoo kale uu soo hadal qaaday in raggaan ay u dhasheen sida ay sheegen iyagu dalalka Kenya iyo Tanzaaniya,waxana uu tilmaamay in dib loogu celiyey halka ay sheegen iyagu inay ka yimaaden ee ahaayd magaalada Mombasa.
….”"”Labada nin waxaan ku wareejinay xilligi an qabaney ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga magaalada Kismaayo,waxana dib loogu celiyey magaalada Mombasa,halkaaso lugu xaqiijinayo waxa ay yihiin nimanka iyo ujeedada ay ku yimaaden Kismaayo….”"”ayuu yiri Sheekh Maxamuud Qaalib .
Isku soo wadda dubo raggaan aya anoqonaya kuwii ugu horeeyey ee ajaanib ah oo ay ciidamada amniga maamulka Jubba,gacanta ku dhigaan.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio