Boosaaso(Sawirro) Guddiga gurmadka dadkii duufaanta iyo dabeyluhu ku dhufteen ee deegaanada qaar ayaa deeq isugu jirta daawo,lacag iyo dhar kala wareegtay Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Banaadir.
Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaaladda Boosaaso oo kulanku ka dhacay ayaa,waxaa goob joog ka ahaa guddiga Gurmadka,Guddoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Cabdirisaaq Hiirad Maxamed,Guddoomiye kuxigeenka Jaamacada Dayib Cali Maxamed iyo Mas’uuliyiin ka soday Jaamacadda Banaadir.
Guddoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Cabdirisaaq Hiirad Maxamed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la isu gargaaro taasina ay noo sheegtay diinta suuban.
…….”””Sida soo jireenka ahayd dadka muslimiinta ah haddii ay dhibaato dhacdo in la isu soo gurmado oo la isu kaalmeeyo waa ilaahay subxaanohu watacalaa dadka faray,taasoo keentay in loo gurmado dadkii muslimiinta ahaa meel walba oo ay joogaan……..”””’ayuu yiri.
Ustaad Maxamed Cismaan Maxamed oo ka socday Jaamacadda Banaadir ayaa isna sheegay deeqdan oo ay Xamar kasoo qaadeen ku wareejinayaan guddiga Culimada ee qaabilsan gargaarga dadka dhibaatadu gaartay.
………””” Arinta aan halkan u nimid waxa weeye walaalaheen gargaargii Xamar kasoo qaadnay aan ku wareejino anaga iyo Jaamacadda Bariga afrika guddiga gargaarka ee culimada oo ka shaqeynayey gargaarida dadweynaha Soomaaliyeed ee dhibtu gaartay ……”””ayuu yiri.
Shiikh Maxamed Macalin oo isna kamid ah Guddiga Culimada ee gargaarga ayaa uga mahadceliyey Jaamacadaha Bariga afrika iyo Banaadir gargaarga ay ugu talagaleen dadka walaalahood ah ee dhibaatadu kasoo gaartay duufaantii iyo dabeylihii ku dhiftay deegaanada qaar ee Puntland.
……”” Waxaan mahad ballaaran u celineynaa haddaan Culimadii nahay gargaargani hawlaha aan ku jirnay Jaamacadda Bariga afrika iyo Banaadir maamul,macalimiin iyo ardey gargaargaa degdeg ah ay ka qeybqaateen oo ay lasoo gaareen dadka walaalahooda oo dhibaateysan…….”””’ayuu yiri
Si kastaba dadaalka loogu jiro sidii dadka dhibaatadu kasoo gaartay duufaanta iyo dabeylaha ayaa dardar ku socota,waxaana dhawaan uu sheegay Guddiga Culimada Puntland ee gargaarga qaabilsan in wajiga labaad ee Tabarucaadka bilaaban doono.
_______________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com