Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo garoonka diyaaradaha kulan kula qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub,QM iyo maraykanka

$
0
0

raxMuqdisho(RBC Radio) Saraakiil ka socda dowladaha Midowga Yurub Qaramada Midoobe iyo Maraykanka ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna kulamo la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay mooshinka laga keenay R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/faarax Shiirdoon Saacid, iyo soo magacaabista gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana la isku soo qaaday ujeedada ka dambaysa in mooshin laga keeno R/wasaare Saacid iyo sababta loosoo magacaabi la’yahay gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Markuu soo dhamaaday kulanka maanta dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiisha ka socotay dowladaha Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa waxaa warbaahinta la dahlay wasiirka maaliyadda xukuumadda Sooaaliya Mudane Maxamuud Xasa Sulaymaan wuxuuna sheegay in laga wada hadlay mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid iyo soo magacaabista gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa sheegay in saraakiisha kulanka la qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasn Sheekh Maxamuud ay ka dalbadeen in si deg deg ah loo soo magacaabo gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles