MuqdishoRBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay qorba joogta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolda Banaadir iyo Shabeelooyinka ee ku nool dalalka caalamka inay u soo gurmadaan shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka gaystay gobolka Shabeelaha dhexe.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in shacabka ka soo bara kacay deegaanada uu ku fatahay wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha dhexe ay nolol xumo aad u daran ku haysato magaalada Johar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in magaalada Jowhar ay hadda dhan kasta ka go’doonsan tayah, wuxuuna ugu baaqay qorba joogta Soomaaliyeed inay gargaar lasoo gaaraan shacabkaas dhibaatadu ku haysato gobolka Shabeelaha Dhexe
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka dhawaajiyay in hadii qof kasta uu soo dhiibo 7 doolar ay ku badbaadi karaan maalintaas qoys dhan naftooda, wuxuuna si gaar ah baaq ugu diray jorba joogta ku nool dalka UK, wuxuuna ka codsaday inay gargaar lasoo gaaraan shacabka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku sii faafaya fatahaadaha uu gaysanayo wabiga Shabeelle oo hadda saamayn xoogan ku yeeshay isku socodkii magaalada Jowhar.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho