Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay dhismaha ku socda wadooyinka magaalada Muqdisho

$
0
0

astaanta banaadirMuqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay dhismaha ka socda wadooyinkaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Laamiyada la saarayo wadooyinka magaalada Muqdisho ay aad u wanaagsan tahay tayadoodu.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uu dadaal xoog leh ku bixinayo sidii uu dib u ugu soo celi lahaa bilicdii magaalada Muqdisho, wuxuna xusay inay waajib tahay in dib loo soo celsho bilicda magaalada Muqdisho, ayna taas ku qasabtay maamulka gobolka Binaadir Muqdisho oo ah caasimadii dalka Soomaaliya.

Maxamed Yuusuf ayaa ka dhawaajiyay inay socoto mataanaynta magaalooyinka Muqdisho iyo Ankara, wuxuuna sheegay in shaqada ka socota wadooyinka magaalada Muqdisho ay wadaan dad khibrad buuxda u leh howshaas, oo isugu jira Soomaali  iyo Turki.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in dhismaha ka socda wadooyinka magaalada Muqdisho ay wax wayn ka bedeli doonto bilic soo celinta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Yuusuf Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir  ayaa farta ku fiiqay in hadii dib loo soo celsho dilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho ay ku dayan doonaan gobolada dalka ayna markaas Soomaaliya ka mid noqon doonto dalalka Afrika ugu quruxda badan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles