Jowhar(RBC Radio) Wararka ka imaanay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in fatahaadaha wabiga Shabeelle uu saamayn xoogan ku yeeshay shacabka ku nool gobolkaas, waxaana magaalada Jowhar ku soo barakacay dad naftooda kala soo cararay daadadka kasoo fatahaya wabiga Shabeelle.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa laga furay xarumo lagu quudiyo dadka naftooda kala soo baxsaday fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka gaystay deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe, waxaana mararka qaar ay dadka ka go’aan raashinka bisil ee laga siiyo xarumaha laga furay Jowhar
Wararka qaar ayaa sheegay in dadka ay ka go’aan raashinka bisil ay u baxaan duleedka magaalada Jowhar, iyagoo soo gurta cagaarka geedaha si ay naftooda ugu badbaadiyaan, shacabkaas ku soo bara kacay magaalada Jowhar ayaan haysan wax ay cunaan iyo dhar ay gashadaan.
“Waxaan halkan u imaanay inaan helno raashin aan cunno si aan nafteenna ugu badbaadinno, waxaana guryaha uga imaanay ilmo yaryar oo aan haysan xitaa biyo ay cabaan, hantideennii iyo wixii aan dhar qabnay waxaan uga soo tagnay deegaanadii ay ku soo fataheen biyaha wabiga Shabeelle, mararka qaar waxaa dhacda inay wayno raashinka markaas ka dib waxaan aadnaa duleedka magaalada waxaan soo guranaa cagaar si aan nafteenna ugu badbaadinno” ayay tiri mid ka mid ah dadkii ku sugnaa xarumaha lagu quudiyo shacabka soo barakacay ee ku sugan magaalada Juwhar.
Dhanka kale magaalada Jowhar ayaa iminka ku jirta go’doon dhan kasta ah, waxaana gudaha magaalada Jowhar lagu geli karaa doonyo oo kaliyaa, shacabka ku nool magaaladaas ayaa cabsi wayn ka muujinaya inay biyaha dhan kasta kasoo xiray gamaalada Jowhar.
Waxaa sidoo kale ay biyo ka fataheen deegaanno ku dhow magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, biyaha ka fatahay Balcad ayaa lagu soo waramayaa inay gooyeen deegaanka Walawayn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaa laga cabsi qabaa inay si toos ah u xiranto wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Walawayn.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa marar badan ka codsaday masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya inay u soo gurmadaan, mana jirto wax qabad muuqda oo ay dowladda Soomaaliya u qabatay shacabkaas ku hanti beelay fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka gaystay gobolka Shabeelaha Dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho