Nairobi (RBC) Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa caawa casho-sharaf ugu sameeyay Nairobi ciyaartoyda iyo macallimiinta xulka qaranka Soomaaliya.
Danjire Cali Ameeriko ayaa sheegay in uu dhiirri-gelin u sameynayo ciyaartoyda qaranka si ay guulo uga keenaan tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Africa oo ay ka qeyb galayaan, wuxuuna kula dardaarmay ciyaartoyda iyo macallimiinta inay difaacaan calanka Soomaaliya oo ay matalayaan.
Macallinka xulka qaranka Soomaaliya ee hoggaaminya ciyaartoyda, Maxamed Cabdulle Fara-yare ayaa uga mahad celiyay safiirka cashada iyo dhiirri-gelinta uu u sameeyay, isagoo ku tilmaamay inay qeyb ka tahay taageerada ay ka helayaan bulshada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.
Gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, Cali Siciid Guuleed oo ka qeyb galay cashada ayaa xusay in loo baahan yahay in la dhiirri-geliyo had iyo jeer ciyaartoyda mataleysa Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay rajeynayaan sanadkan inay guulo ke keenaan tartanka.
Xulka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Africa (CECAFA Cup) oo ka furmi doona Nairobi 27-ka bishan. Soomaaliya ayaa qeybta B kula jirta dalalka Burundi, Tanzania iyo Zambia.
Soomaaliya ayaa kulanka ugu horreeya la ciyaari doonto Burundi 28-ka bishan, kulanka labaad ayay Tanzania la yeelan doontaa 1-da bisha December, halka kulanka ugu dambeeyay ka hor tagi doonto Zambia 4-ta December.
Ibraahim Geedow
Nairobi