Marka(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka hadlay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Nam-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, gudoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayaa sheegay in dagaalku uu ka bilowday kala shakki soo kala dhexgalay ciidamada madaniga ah ee ku sugan deegaanka Nambar-konton iyo ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka dhawaajiyay in maamulka gobolka Shabeelaha Hoose uusan ka warqabin ciidanka Militerig ah ee maanta dagaalka ku qaadan ciidamada medeniga ah ee ammaanka deegaankaas gacanta ku hayay.
C/qaadir Maxamed Nuur Siidii gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tilmaamay in ciidamada madaniga ah ee deegaankaas ku sugnaa ay ka amar qaataan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose wuxuuuna xusay in maamulka gobolka Shabeelaha Hoose uu isna ka amar qaato wasaaradda arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose wax laga waydiinayo wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo ay ka amar qaataan ciidamada militeriga ah ee maanta dagaalka ka gaystay deegaanka Nam-konton.
C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa shakki ka muujiyay ciidamada militeriga ah ee weerarka maanta ku qaaday deegaanka Numbar-konton wuxuuna tilmaamay in dagaalka maanta ka dhacay deegaankaas uusan ka warqabin inuu salka ku hayo dagaal beeleedyo iyo inuu ku yimid kala shakki, balse wuxuu sheegay in ceedamada Militeriga ah ee weerarka gaystay ay u badan yihiin halbeel.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in dagaalkii dhexmaray labada ciidan ay ku geeryoodeen 10 Ruux ayna ku dhaawacmeen 15 kale oo dhamaantood ahaa ciidamadii dagaalamay.
RBC Radio