Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Dagaalkii Deegaanka NO-50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

$
0
0

dagaal4Muqdisho (RBC) Waxaa saaka xasiloon deegaanka NO-50 oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo shalay dagaal culus oo qaatay illaa gelinkii dambe uu ka dhacay, isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Dagaalkan ayaa sida dadka deegaanka iyo masuuliyiinta gobolka sheegeen wuxuu u dhexeeyaa ciidamo ka tirsan dawlada federaalka Soomaaliya oo laga keenay deegaano kala duwan kuwaasoo u socday hawlgal iyo maleeshiyo deegaanka u dhalatay oo ka carootay ciidamada soo dul degay.

Illaa hadda 11 ruux ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen, dadkaasoo ah dhammaan dhinacyada dagaalamay, waxaana la qiyaasayaa illaa 30meeyo inay ku dhaawacmeen dagaalkan.

Dagaalka ayaa hakaday xalay maqribkii ka dib markii ciidamadii dhinaca dawlada ka socday dib loogu riixay deegaanka Muuri oo ku dhow degmada Afgooye halkaasoo ay xalay ku hoydeen.  Deegaanka NO-50 oo leh garoon diyaaradeed oo macmal ahna meeshii dagaalku ka qarxay ayaa waxaa hadda gacanta ku hayamaleeshiyo deegaanka ee la dagaalantay ciidamada la soo ururiyey ee ku socday magaca dawlada.

Masuuliyiinta dawlada federaalka oo ay ku jirto wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga oo ay si toos u khuseeyaan arrimaha ciidamada iyo gobollada ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan dagaalka.

Hase yeeshee guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ku tilmaamay dagaal mid khalad ku bilawday isagoo ku eedeeyay in ciidamada dawlada ay gobolka soo galeen iyagoo aan laga warheyn taasina ay keentay in dadka deegaanka ay ka hor yimaadaan.

Guddoomiyaha gobolka wuxuu sheegay in ay ku tala jiraan sidii loo xallin lahaa dhibaatada ka dhalatay dagaalka isla markaana loogu ogolaan lahaa ciidamada dawlada ee weerarka ku qabsaday NO50 inay hawlgalkooda sii wadaan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles