Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20257

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Kuwait

$
0
0

jawaari shir jaraa'idMuqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo maanta u ambabaxay dalka Kuwait wuxuuna halkaas uga qaybgeli doonaan shirka madaxweynayaasha Afrika iyo Carabta ee looga hadli doono arimaha dhib u dhiska iyo hormarinta qaaradda Afrika.

Kusimaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo warbaahinta la hadlay intii uusan ka duulin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay ka qaybgeli doonaan shirka madaxda Afrika iyo Carabta ee ka furmi doona magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait.

Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa degniin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka ee dalka dibadiisa ku maqan wuxuuna ku amray inay si deg deg ah dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga qaybgalaan shirarka Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in xildhibaanada Baarlamaanka ee dalka dibadiisa ku maqan iyaga oo aan fasax ka haysan gudoonka Baarlamaanka uu ku amrayo in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si ay u gutaan waajibaadka ka saaran dalkooda.

ugu dambayntii gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ammaan usoo jeediyay shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in shacabku ay kalsooni buuxda ku qabaan Baarlamaankooda, Islamarkaane ay Xildhibaanada Baarlamaanku si daacad ah u gudan doonaan waajibaadka ka saaran dalka iyo dadkooda.

 

 

RBC Radio

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20257

Trending Articles