Muqdisho (RBC) Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon kaasoo toddobaadkii hore bannaanka yimid ka dib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu raysul wasaare Saacid ka dalbaday inuu shaqada iska casilo taasoo Saacid Shirdoon uu ka biyadiiday, sida laga heley saraakiil madaxda sare ka agdhow.
Khilaafka madaxda sare oo aad looga dhowray inay warbaahinta wax badan ka ogaato ayaa haatan dibada yimid. Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumud oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay ka xun tahay khilaafka madaxda sare ee dawlada Soomaaliya, wuxuuna afhayeenka sheegay in khilaafka hadda jira uu khatar ku yahay hawlaha dawlada ay qaaday sanadkii la soo dhaafay.
Afhayeenka AMISOM ayaa ka digay dib u dhac ku iman kara waxqabadka dawlada iyo guud ahaan hanaanka shaqo ee xukuumadda haddii an deg deg loo xallin kala aragti duwanaanta saameysay madaxda sare ee dawlada federaalka Soomaaliya.
“Wuxuu dib u dhac ku yahay horumarkii socday ee illaa hadda la gaaray.” ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumud.
Wafdi Midowga Afrika oo imaanaya
Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in berito magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mahamed Saleh Annadif kaasoo sida lagu wado kulamo la yeelan doona madaxweynaha kadibna raysul wasaaraha.
Afhayeenka AMISOM Col. Xumud wuu xaqiijiyey imaanshaha wafdigan iyo in AMISOM ay dooneyso inay dhexdhexaadin u sameyso madaxda dawlada Soomaaliya.
Ilo wareed aad ugu dhow xafiiska Midowga Afrika ayaa sheegaya in saraakiisha Midowga Afrika ee Muqdisho ku soo fool leh ay madaxweynaha iyo raysul wasaaraha kala hadli doonaan arrinta bu’da u ah khilaafkooda oo ah isku shaandheynta golaha wasiirada iyo in raysul wasaaruhu jagada baneeyo taasoo aan la ogeyn sida Saacid Shirdoon uu ku aqbali doono.
Laakiin dadka ka agdhow labada nin ayaa sheegaya in arrintan ay ku xiran tahay baarlamaanka hadda jira iyo sida labada nin ay ugu kala awood badan yahay golaha xildhibaanada maadaama codka baarlamaanka loo bahan doono ugu dambeynta in raysul wasaarihu sii joogo iyo in kale.
RBC Radio