Garoowe (RBC RADIO) Wasaarada haweenka Puntland ayaa $ 5,000 ( Shan Kun oo Doolar) ugu deeqday Dadkii Roobabku ay Xoolo Naf iyo Guryo Tireen waxayna wasaaradu ku wareejiyeen Deeqdaasi Gudiga loo xilsaay Gurmadka oo Madashada kulanku ka dhacayay Xaadir ku ahaa, waxaa kaloo goobta joogay Saraakiisha Wasaarada Haweenka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland.
Wasiir ku xigeenka Haweenka Puntland Caasha Maxamuud Axmed ahna ku simaha Wasiirka ayaa madasha ka tacsiyeesay waxayna alle ka bariday in uu u naxariisto dadkii ku geeriyooday Dhibaatadii uu horseeday Roobkii Dabaylaha watay ee ku dhuftay Qaybo ka mid ah Puntland, waxay kaloo Gudiga ku wareejisay Lacag dhan Shan kun oo Doolar iyo 8 kartoon oo dhar kala duwan ay ku jiraan waxaya talaabadan ku tilmaantay mid hordhac ah oo ay waxyaabo kale soo wadaan.
Cali Yuusuf Xoosh Wasiir kuxiggenka Wasaarada Arimaha Gudaha oo qayb ka ah Gudiga Musiibadii dhacday loo xilsaaray ayaa dhankiisa sheegay in ay gudoomeen deeqdii ka timid dhanka Wasaarada haweenka oo uu tilmaamay inay filayeen Wasaarada Haweenka in ay ugu soo horayn doonto dhanka gurmadka wasaaradaha kale ee Puntland maadaama ay calool jilicsan yihiin haweenna ay yihiin wuxuuna ku booriyay wasaaradaha kale in Talaabadaasi oo kale ay horay u qaadaan.
Marka laga soo gudbo shaqsiyaadka iskood lacagaha ugu gurmaday dadka dhibaateysan Wasaarada Haweenka Puntland waxay noqonaysaa Wasaaradii ugu horeesay ee Lacag iyo dharba ugu Deeqda dadkii Xoolohooda iyo Dadkoodaba ku waayay Roobabkii Duufaanada Watay ee ka Da’ay Puntland.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.