Muqdisho(RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanka Num-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in maanta uu halkaas ka bolowday dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka Nam-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qof goob jooge ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa warbaahinta Raxanreeb u xaqiijiyayin in dagaalka ka socda Nam-50 uu u dhexeeyo ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan maamulka deegaanka Nam-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada militeriga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka SHabeelaha Hoose ayaa weerar culus maanta ku qaaday ciidamo ka tirsanaa maamulka deegaanka Nam-50 waxayna isku dayeen inay maamulka deegaankaas kala wareegaan ciidankii hore ugu sugnaa, waxaana markaas ka dib bilowday dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan sida uu sheegay qof ku sugan deegaanka Nam-50.
Dagaalka ayaa saakay barqadii si xoog uga bilowday duleedka deegaanka Nam-50, ciidamii hore ugu sugnaa deegaanka Nam-50 ayaa sameeyey iska caabin xoog leh waxaana u suurto gashay inay iska difaacaan weerarkii ay ciidamada militerigu ku soo qaadeen.
Ciidamadii militeriga ahaa ayaa mar kale weerar rogaal celin ah ku soo qaaday Garoonka diyaaradaha ee Nam-50 iyagoo dib ula wareegen qaybo ka mid ah deegaanka Nam-50, dagaalka ayaa iminka ka sii socda gudaha degmada Nun-50 ee gobolka Shabeelaha Dhexe
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco warbaahinta Raxanreen
RBC Radio