Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20257

Jaamacadda Muqdisho oo magacawday guddi u gurmada shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay maamulka Puntland iyo gobolka Shabelaha Dhexe

$
0
0

jaamacadda muqdishoMuqdisho(RBC Radio) Kulan ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta jaamacadda Muqdisho ayaa waxa ay ku magacaabeen guddi u gargaara shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay fatahaadaha wabiga Shabeelle iyo roobabka dabaylaha watte ee wali ka da’aya deegaanada maamulka Puntland.

Xoghayaha guud ee gudiga la magacaabay ee u gargaari doona shacabka ay dhibaatadu kasoo gaartay musiibada ku dhufatay goblo ka tirsan maamulka Puntland iyo fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka gaystay deegaanada gobolka Shabeelaha Dhex C/qaadir Abuubakar ayaa sheegay in gudigoodu uu dadaal dheeraad ah ku bixin doono sidii uu ugu gurman lahaa shacabka ay waxyeeladdu soo gaartay.

Xoghayaha guud ee gudiga ay jaamaccaduu magacawday C/qaadir Abuubakar ayaa tilmaamay in gudiga cusub ee maanta ay jaamacaddu ku dhawaaqday uu ka qaybqaadan doono u gurmashada dadka dhibaatadu kasoo gaartay roobabka duufaanada watay ee maalmahan ka da’ayay deegaanada maamulka Puntland iyo dadkii ku barakacay fatahaadaha wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Masuulka ugu sareeya jaamacadda Muqdisho Dr Cali Abuubakar oo kulanka maanta gudiga lagu magacaabay uga qaybgalay qadka taleefoonka ayaa sheegay in musiibada ka dhacday maamulka Puntlanda iyo gobolka Shabeelaha Dhexe ay dhibaatadeedu aad u badan tahay wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay usoo gargaaraan dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay musiibadaas.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa gurmad is daba joog ah u fidinayay dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay roobabki duufaanada watay ee ka da’ay deegaanada maamulka Puntland iyo fatahaadaha wabiga shabeelle ee gobolka SHabeelaha Dhexe.

 

 

 

 

RBC Radio

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20257

Trending Articles