Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Faroole iyo Msuuliyiinta la socota oo Shalay Abaaray Goobihii ay Dhibaatooyinku ka dheceen qayb ka mid ah ayaa xalay ku hoyday Magaalada dan Goronyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal, saakana wuxuu Madaxweynuhu ku jarmaaday Tuulooyinka Fog fog oo ay dhibaatooyinku kadheceen si uu ugu kuur galo xaalada dhabta ah ee deegaanadaasi ka jirta kadibna waxaa laga yaabaa in uu Madaxweynuhu kusoo laabto Magaalada Garoowe, Deegaanada kale ee dhibaatadu ka dheceen Sababaha uu u tagi waayay oo aan waydiinay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada waxay inoo sheegeen in Deegaanadaasi uu dhiiri xoogan ka jiro Baabuurtana aysan gali karin sidaa darteedna dib loo dhigay Booqashadeeda.
Shalay Madaxweyne Faroole wuxuu la kulmay Dad reer Guuraa ah oo Tiradoodu dhantahay ilaa 500 oo qoys kuna sugan Tuulada Qarxis kuwaasi oo uu ka dhageystay Baahiyahooda kala duwan iyo wax yaabaha ay Tabayaan in loo soo hormariyo wuxuuna Madaxweynuhu u Balan qaaday Dadka ku nool tuuladaasi in ay heli doonaan wixii uu alle u qoray oo gurmad iyo Dib u dajinba loo samayn doono,sida ka muuqata Sawirka Dadka deegaanka ayaa ka muuqatay Farxad badan iyo waji furnaan kadib markii ay arkeen Madaxweynihii iyo Masuuliyiinta Dowlada oo Booqasho iyo wax qabad ula yimid.
Sdioo kale Ciidanka Booliiska Ayaa deegaankaasi gaarsiiyay Raashin iyo dawo, waxayna Alaabta ku gurayeen dhabarkooda si ay ugu gurmadaan walaalohood dhibaateysan,waxaana wararku sheegayaan in wali gurmadku socdo oo uusan hakan dadkana ilaa xad la gaarsiiyay Raashinki iyo Dawooyinki ay u baahnaayeen waxaana Maalmo kadib suurta gal ah in la galo Dib u dajinta marka laga soo gudbo Gurmadka Deg dega ah.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.