Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20236

Dowladda Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay deeq gawaari caafimaad ah

$
0
0

ambalaasMuqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay deeq gawaari ah oo loogu talagalay in shacabka Soomaaliyeed loogu adeeggo, deeqda gawaarida ah ayaa ka timid Hay’adda UNFPA waxayn deeqdaas ku wareejisay masuuliyiin ka socotay wasaaradda adeegga Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Deeqda lagu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay gaaraysaa illaa 5 gaari oo nuuca caafimaadka ah,wasaaradda adeegga Bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in gawaarida Ambalaaska ah ee maanta lagu wareejiyay wasaaradda adeegga Bulshada wax loogu qaban doono shacabka Soomaaliyeed.

Masuulka ay  Hay’adda UNFPA usoo wakiilatay in uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyo deeqda gawaarida ah oo magaciisa ku sheegay C/llaahi Nuur Maxamed ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna sheegay in deeqda ay Hay’addu ugu tala gashay in loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed ee baahida wayn u qaba inay helaan gawaari caafimaad.

Wakiilka ayaa sheegay in Hay’adda UNFPA ay sii wadi dooonto caawinta shacabka Soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay in Ambalaasyada maanta dowladda lagu wareejiyay uu wax wayn ka bedeli doono baahida loo qabay in gawaari caafimaad laga helo magaalada Mudisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda adeegga Bulshada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Macalin Yaxye ayaa mahadcelin balaaran usoo jeediyay Hay’adda UNFPA wuxuuna sheegay in deeqda gawaarida ah ee Hay’addu soo gaarsiiday dowladda Soomaaliya loo qaybin doono Cisbitaalada gobolada dalka si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goboladaas.

 

 

 

RBC Radio

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20236

Trending Articles