Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20226

Musharax Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan (Gablax) oo maantay si weyn Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey[Sawirro]

$
0
0

9

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaa maantay siweyn loogu soo dhaweeyey musharax Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan (Gablax) oo ka mid ah musharixintii ugu horeeysey ee shaaciyey inay doonayaan qabashada hoggaanka madaxtinimo ee Puntland.

Boqolal dadweynaha ah oo qeybaha bulshada isugu jira ayaa ka qeyb qaadatay soo dhaweynta maantay loo sameeyey musharaxa,waxana ka mid ahaa dadkii maantay isgu soo baxay garoonka diyaaradda C/laahi Yuusuf ee magaaladda Gaalkacyo,Odayaal,Nabadoon,dhalinyaro,haween,ardey iyo guud ahanba dhinacyada bulshada ee Gaalkacyo ku nool.
Gablax ayaa xiligii uu ka soo dagay diaayaradi sidey waxaa uu gacan qaaday dhinacyadii soo dhaweyntiisa ka qeyb qaadanaysey,waxana uu saxaafada uu kula hadlay guddaha garoonka waxana uu ka mahadceliya sida wanagsan ee Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey.

1

Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xunyahay wixii ka dhacay qeybo ka mid ah Puntland,iyo saameeyntii ay reeben roobabkii dabaylaha watay ee ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada Puntland,waxana uu Gablax uu ka tacsiyeeeyey dhamanba khasaarihii ay dhaliyeen roobabku,baaq ayuu u diray dhamanba shacabka Soomaaliyed gaar ahaana shacabka reer Puntland waxana uu ugu baaqay inay garab istaagan oo waxaa ay ku dhaaman ku caawiyan walaalahoda ku cayroobay roobabki da’ay.

…”"”"Shacabka reer Gaalkacyo ad ayaan ugu mahad-celinaya,sida quruxda badan ee ay igu soo dhaweeyen Gaalkacyo,waxana  halka idin kugu  sheegaya inan ka xumahay masiibadi ka dhacdey qar ka mid ah gobollada Puntland,runtii arrinta waa mid adag una baahan in lo soo wada jeesto,shacabka Soomaaliyed,kuwa caalamka iyo gaar ahaana shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqaya inay arrinta wax ka qabtaan…”‘”"ayuu yiri Gablax.

Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan (Gablax)  ayaa xiligii uu usoo gudbay guddaha magaaladda waxaa uu booqsho uga tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isgoona ku boqdey hoyga uu Islaanka Gaalkacyo ka dagan yahay halkaaso ay isku xog waresteen inta ay wada joogeen.

Gablax ayaa ah musharaxii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay muddo ka hor inuu yahay musharax madaxweyne,waxana si aad ah loogu xasuusta diid madii uu wax ka diiday isaga iyo siyaasiyin kale hanankii lugu doonayey in Puntland looga hirgaliyo xisbiyada.

4

2

3

7

6

8

DSC05723

10

11

12

13
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20226

Trending Articles