Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Dowladda Imaaraadka Carabta oo maanta dowladda Soomaaliya ku wareejisay agab militeri

$
0
0

imaaraadkaaMuqdisho(RBC Radio) Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay agab militeri, waxaana munaasabadda kasoo qayb galay saraakiil ka kala tirsan Hay’adda nabad sugidda qaranka, Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Soomaaliya gudoonsiisay qalab militeri oo ay ka mid ahaayeen 10 gawaarida dagaalka ah,4 gaari oo ah kuwa ay madaxdu raacaan oo aysan karin rasaastu, 2gaari oo dab demis ah, hal gaari oo Ambalaas ah iyo shan kun oo ah darayska ay ciidamada xidhaan, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeqdaan ku kala gudoonsiiday dowladda Soomaaliya Garoonka Dyaaradaha Muqdisho, Dekedda wayn iyo safaaradda ay dowladda Imaaraadku ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqdaan ay dowladiisu ugu talagshay in lagu tayeeyo ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya si loo sii dardargeliyo howlaha lagu sugayo ammaanka dalka.

Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo gudooomay deeqda ka timid dowladda Imaaraadka Carabta ayaa uga mahadcelyay dowladda Imaaraadka Carabto kaalmada ay soo gaarasiisay dowladda Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in ammaanka dalka uu wax wayn ka bedeli doono deeqda ay dowlada Imaaraadku soo dhiibtay.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya ayaa xusay in deeqda ka timid dowladda Imaaraadka uu u qaybiyay Hay,adaha dowladda Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in uu gudoonsiiyay Hay’adaha nabad sugidda iyo Booliska Soomaaliya wuxuuna sheegay in 4-ta gaari ee loogu talagalay madaxda ay wasaaraddu la wareegtay.

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20307

Trending Articles