Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20304

Musharax Cali Xaaji Warsame oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyey Boosaaso Kuna Baaqay in la Caawiyo dadka dhibaatada soo gaartay (Sawirro+VIDEO)

$
0
0
Musharax Cali Xaaji Warsame oo diyaaradii kasoo dagey maanta

Musharax Cali Xaaji Warsame oo diyaaradii kasoo dagey maanta

Boosaaso(RBC Radio) Musharax xilka Madaxweynenimo ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Musharax Cali Xaaji ayaa soo dhaweyntiisa,waxaa ka qeybqaatay dadweyne aad u farabadan sida aqoonyaha,mas’uuliyiin,haween,dhalinyaro,culuma’udiin,ganacsato iyo qaar kamid ah bulshadda Boosaaso.

Diyaaradii khaaska ahayd ee wadey oo soo caga-dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ka dib ayaa,waxaa si khaas ah uga hortay Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf Iyo Zakariye Maxamed Isticmaar.

DSC01586Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in marka hore uu mahadcelin ballaaran usoo Jeedinayo boqolaalkii dadweyne ee kusoo dhaweeyey magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

….”” Waxaan mahad gaar ah u celinayaa shacbiga magaaladda Boosaaso iyo dhammaan gobolka Bari sida aad iyo aad u wanaagsaneyd ee ay igu soo dhaweeyeen Airpor-ka Boosaaso ,waxaad aad iyo aad ugu mahadinayaa wakhtigan oo wakhti kulul ah….””ayuu yiri Musharax Cali Xaaji.

Sidoo kale Musharax Dr Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Puntland maanta ay mareyso duruuf adag oo ka timid dabeyshii duufaanada watey ee ku dhuftay deegaano kamid ah Puntland ayna dhinteen dad farabadan.

….””Waxaan ka codsanayaa aduunweynaha oo ugu horeyso in alle inta daneyneysa iney Puntland nabad iyo nolol ku waarto dadka ay ugu horeeyaan dadka reer Boosaaso oo runtii door weyn ku lahaa horumarka dalkaan iyo dadkaan iney kala qeybqaataan duruufta adage e maanta haysata Puntland….”””ayuu yiri.

Musharax Dr Cali Xaaji Warsame ayaa dalka dibadiisa ku maqnaa muddo laba todobaad ah ,intii uu dibada ku maqnaa wuxuu la kulmay diblumaasiyiin badan oo jooga magaaladda Nairobi sida Maraykanka,Ingiriiska iyo Itoobiya,waxayna u ballanqaadeen iney la shaqeyn doonaan.

DSC01573 DSC01574 DSC01576 DSC01577 DSC01578 DSC01579 DSC01580 DSC01581 DSC01583 DSC01584 DSC01586 DSC01587 DSC01589 DSC01590 DSC01591 DSC01592 DSC01593 DSC01594 DSC01595 DSC01596 DSC01597 DSC01598 DSC01599 DSC01600 DSC01601 DSC01602 DSC01603 DSC01604 DSC01605 DSC01606 DSC01607 DSC01608 DSC01609 DSC01610 DSC01611 DSC01612 DSC01613 DSC01615 DSC01616 DSC01617 DSC01618 DSC01619 DSC01620 DSC01621 DSC01622 DSC01623 DSC01624 DSC01625 DSC01626 DSC01627 DSC01628 DSC01629 DSC01630 DSC01631 DSC01632 DSC01633 DSC01634 DSC01635 DSC01636

_______________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20304

Trending Articles