Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20279

Jabuuti iyo Itobiya oo gurmad keenay iyo Madaxda Puntland oo Gudoontay (Warbixin+Sawirro).

$
0
0

IMG_1676

Garoowe (RBC RADIO) Deeq isugu jira Dawo iyo Cunno Diyaarado wada kana
kala yimid Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa soo gaaray garoonka
Diyaaradaha ee Garoowe waxaana madasha ku sugayay Masuuliyiin uu ka
mid yahay Madaxwaynaha Puntland Gudiga loo xilsaaray Arimaha Gargaarka
iyo Saraakiil kale Diyaaradii ugu Horeesay ee timaada ayaa ka socotay
dhanka Jabuuti waxaana hogaaminayay Lataliyaha Madaxweynaha Jabuuti
Anton Michel Deeqdaasi oo isugu  jirta Dawooyin iyo raashin nafaqo ah
oo loogu talagalay Dadka Duufaanadu ku dhufteen.

IMG_1629

Sidoo kale waxaa dalka Itobiya iyana ka timi Diyaarad Sida Dawooyin
iyo raashin waxaana waday Ciidan Milatari ah iyo Diyaarad Ciidanku
leeyihiin inkastoo ay sheegeen in markii hore ay ka cabsi qabeen in
Garoonku ku yaraado hase ahaatee ay soo socdaan sidoo kale Diyaarado
kale oo garoonka Galabta soo gaaraya.

IMG_1639

Soo dhawayn kadib Saxaafada ayeey si wada jir ah ula hadleen Madaxdu,
 laTaliyaha Madaxweynaha Jabuuti Mr Anton oo hadalka ku horeeyey wuxuu
ka tacsiyeeyey Geeridii ka timi Duufaanadii Puntland ka dhacay wuxuuna
sheegay sidoo kale in Gurmadku uusan intaan ku ekeen ay Jabuuti
sameesay balse ay sii laba jibaari doonto siina wadi doonto, Shacabka
jabuuti iyo kuwa Puntland ayuu ku sheegay in ay Walaalo yihiin aadna
uga nexeen wixii dhacay isagoo cadeeyey in Tacsi iyo tiiraanyo
Puntland uu uga sido Madaxweynaha Jabuuti.

IMG_1705

Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mr Asmalash ayaa dhankiisa sheegay in
Dowlada Itoobiya ay aad uga xuntahay wixii qabsaday Shacabka Puntland
Gurmadna ay la garab taagan tahay,wxuu cadeeyey in ay sidoo kale
dhisayaan Buundadii Go’day oo ay wadaan hada Engineero sahmiya qaabka
loo dhisayo buundada hawshaasina si dhaqso ah loo soo afjari doono,
wuxuu kaloo ka codsaday beesha Caalamka in la balaariyo u gurmashada
Musiibooyinkan wuxuuna codsaday in loo diyaar garoobo hadii ay jiraan
Duufaano kale oo soo socda, mana ahan buu yiri gargaarki ugu Dambeeyey
oo aan keenno mid kalena galabta ayuu halkan kusoo wajahan yahay
sidaana waxaa yiri Qunsulka Itoobiya ee Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan faroole oo ugu dambyantii Halkaasi
ka hadlay wuxuu sheegay in uu aad uga mahadcelinayo gurmadka ay Labada
Dowladood lasoo gaareen Walaalohood Puntland waana Deeqdi ugu Horeesay
oo Banaanka inooga timaada ayuu yiri Madaxweyne faroole, Dadka
Gurmadka u baahan ayuu Madaxweynuhu Sheegay in ay aad u badan yihiin
raashin lasiiyana aysan waxba u tarayn balse ay u baahan yihiin in dib
u kabasho loo sameeyo xoolohoodiina wixii la kari karo loo iibiyo si
noloshooda ay dib ugu soo kabato.

IMG_1706

Madaxweyne faroole wuxuu kaloo sheegay in Deeqdan aysan ahayn mida
kaliya oo ay sugayaan balse Caalamka oo idil uu Gurmad balanqaaday
lagana dhawrayo si dadka Dhibaatadu haleeshay loo gargaaro,
Madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladiisa ay aad isugu hawleyso sidii ay
ugu Qareemi lahayd dadka Xaalada adag ay haleeshay ayna filayaan
Gurmad xoogan oo soo gaara, wuxuu sheegay gudiga ay magacaabeen in ay
isugu jiraan Dhinacyo badan oo xita  ay ku jiraan culumo si loo
muujiyo Isku xirnaanta iyo wadashaqaynta ka dhexeysa Dowlada iyo
Bulshada qeebeheeda kala duwan.

IMG_1608

Wafdigan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay buundada go’day iyo
daadadkii ka dhacay aaga Sunijiif oo 60 KM u jirta Puntland waxaana
halkaasi ku sugan Engineero ka ariminaya habkii lagu dhisi lahaa wado
kumeel gaar ah si aysan u hakan Isu socdoka gaadiidka iyo Ganacsiga
Gobolada Puntland,Wafdigan ayaa suurta gal ay tahay in isla maantaba
ay dib u laabtaan.

IMG_1647IMG_1629IMG_1625IMG_1612IMG_1595

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20279

Trending Articles