Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Faroole iyo Qaar kale oo golihiisa Wasiirada ka tirsan waxay Maanta u boqooleen Deegaanadiii Dabayluhu ka dheceen ee Gobolka Nugaal, Mudane Faroole wuxuu ugu horeyn tagay Degmada Dan-Goronyo oo ay Isugu yimaadeen dhamaan Gudigii Gurmadka Qaabilsanaa oo ku sugan Degmadaasi, Kulan halkaasi ka dhacay Madaxweynaha Puntland wuxuu ku xusay in Qorshohooda 1,aad uu yahay ugurmashada dadka qorshohooda Labaadna uu noqon doono Dib u dajinta Dadka si looga kabo buu yiri dhibaatada soo gaartay dadka Reer miyiga ah.
Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay Dadka Reer Puntland looga fadhiyo in ay kaalin ka qaataan dib u dajinta loo sameynayo Umada Musiibadu ku habsatay oo ay ka mid tahay in xoolo loo soo aruuriyo Maadaama ay yihiin dad reer miyi ah waxaana loo baahan yahay buu yiri Madaxweynaha in xoolo loo aruuriyo dadka dib u jadinna loo sameeyo si aysan dadkaasi ugu wareerin Magaalooyinka ama Maskaxdooda aysan u doorsoomin, wuxuu kaloo Madaxweynaha u mahadcelshay dhamaan Culimada Reer Puntland oo gurmadkii ugu balaarnaa ka sameeyey Masaajidada kana mid ah gudiga Gurmadka Deg dega ah.
Wararka ugu Dambeeya oo Iminka aynu ka helayno aagaasi ayaa sheegay in Madaxweyne Faroole uu ka tagay Degmada Dan-Goronyo hadana uu ku dhaw yahay Tuulada Qarxis oo ay ku sugayaan in ka badan 500 oo qoys kuwaasi oo ku ceyroobay Duufaanadii halkaasi ka dhacay waxaana laga yaabaa in uu halkaasi dadka kula hadlo Safarka Madaxweynuhuna wuu sii socon doonaa, sida uu inoo xaqiijiyay Axmed Cawil Jaamac oo ah Agaasimaha Radio Garoowe oo ka mid ah Wariye yaasha la socda Madaxweynaha.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.