Muqdisho(RBC Radio) Ciidamadii Soomaaliyeed ee lixaadkooda ku waayay dagaalkii qaraaraa ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ee hadda degen Cisbitaalka Martiini ayaa cabasho is daba joog ah ka muujinaya saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ugu hanjabay inay xoog uga saari doono Cisbitaalka Martiini.
Afhayeenka ciidamada naafada xoogga dalka ee ku jira cisbitaal Martiini C/mahad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mar kasta ay soo gaarto hanjabaad uga imaanaysa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay ugu goodiyeen inay xoog uga saari doonaan cisbitaalka Martiini.
Afhayeenka ciidamada naafada xoogga dalka C/ Mahad ayaa tilmaamay in Cisbitaalka Martiini ay ku ogyihiin madaxda ugu saraysa dalka sida R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/faarax Shirdoon Saacid, wasiirka gaashaandhigga C/kariim Xaaji Maxamuud Fiqi iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka, wuxuuna tilmaamay in haddi ay dowladda Soomaaliya u baahatay cisbitaalka Martiini ay ka doonayaan inay dib u dejin u samayso oo ay ciidamada naafada xoogga dalka xaq wayn ku leeyihiin dalka.
” mar kasta waxaa noo yimaada saraakiil ka tirsan ciidamad qalabka sida ee dowladda Soomaaliya waxayna nagu dhahaa waa inaad ka guurtaan cisbitaalka Martiini hadii kale xoog ayaan idiinka saaraynaa waxayna nagu yiraahdaan waxaa tihiin Laaji ee isga guura Cisbitaal Martiini” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada naafada xoogga dalka ee ku sugan Cisbitaal Martiini.
Afhayeenka ciidamada naafada xoogga dalka ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka codsaday inay kasoo gaaraan saraakiisha dhibaatada ku haya ciidamad naafada xoogga ee ku jira cisbitaal Martiini wuxuuna dowladda ugu baaqay in ciidamada naafada xoogga ay u samayso dib u dejin hadii ay u baahan tahay cisbitaal Martiini.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday inay xarumihii ciidamada ka saarto dadkii shacabka ahaa ee deegaansaday middadii 23-ka sano ahayd.
RBC Radio