Muqdisho(RBC Radio) Wararka ka imaanaya degmada Helwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Kooxo Bastoolado ku hubaysan ay maanta qof rayid ah ku toogteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa, wuxuuna warku intaa ku darayaa in markii la dilayay qofka rayidka ah uu ku sugnaa goob ganacsi oo ku taallo xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.
Kooxaha hubaysan ee maanta dilka u gaysta qofka rayidka ah ayaa ka baxsadan goobta waxaana markaas ka dib goobta soo gaaray ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmadaas, waxayn bilaabeen inay baaritaanno ku samaynayaan meeshii ay wax ka dheceen.
Qofka la dilay ayaa sida la sheegay lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed wuxuuna ka mid ahaa dadka degen deegaan waynaha Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa, lama oga sababta loo dilay Axmed Maxamed balse waxaa lala xiriirinayaa inay dileen kooxaha mar kasta dilka u gaysta shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Maamulka degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir ayaa wali ka hadlin dilka loo gaystay qofka rayidka ah ee ka mid ahaa dadka degen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaal ee gobolka Banaadir.
Xaafadda suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa ayaa sida laga warqabo waxaa marar badan ku suu noqnoqday dilalka qorshaysay oo loo gaysanayo dadka xaafadda suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.
RBC Radio